Faarax Wehliye Caddow "sindiko" oo caawa waraysi siiyey telifishanka Universal ayaa ku eedeeyey dadkii uga dambeeyey maamulkii hore ee uu madaxda ka ahaa in ay kala boobeen hogaankaasi isla markaana aysan raali isaga ahayn dhexdoodu loona baahan yahay in si sax ah doorasho loo qabto lana tixgeliyo kuwa diidan.
"Markii aniga ganaaxa la i saaray ayuu nin walba oo iga hooseeyey oo aan anigu wax baray soona barbaariyey ku orday in uu yiraahdo anigaa haysta meesha" ayuu yiri Faarax asagoo ula jeeday kuwaasi maamulada xiriirka kubadda cagta iyo olimbikada soomaaliyeed.
"Xiriirka kubadda cagta waxaa loo doortay Darbawayne, ka dibna warqad ayaa laga qoray taasoo ay FIFA na ogolaatay ayadoo si ku meelgaar sanad ah loogu ogolaaday in uu guddoomiye kuxigeenkiisii sii hayo sanadkaasoo ku ekaa bishii Maarso ee sanadkan, ka dib 22 kooxood ayaa shir qabtay caddeeyeyna in aysan aqoonsanayn xiriirka iyo hogaankiisa, marka waxay xaq u leeyihiin in la maqlo isla markaana doorasho la qabto" ayuu yiri Faarax asagoo u muuqday in uu aad ugu riyaaqsan yahay qorshahaasi ay kooxuhu wadaan si uu uga qaybqaato doorashadaasi oo haddii ay suurowdo yaraynaysa in qof kale oo aan Faarax ahayn ku guulaysto.
Dhinaca guddiga olimbikada ayuu Faarax sheegay in laga tagay xiriiro badan lagana soo reebay sideed xiriir wuxuuna is waydiiyey aaway kuwii kale kuwaasoo sida aan ka wada dheregsanahay ahaa kuwa xaashi ahaan u jira balse aan xiriir ahaan u jirin.
Faarax oo sidoo kale wax laga waydiiyey bal in uu bulshada u sharaxo khilaafkii asaga iyo guddoomiyaha FIFA ayaa ka gaabsaday jawaabtaasi kuna soo gaabiyey waa laga heshiiyey oo ma rabo in aan dib ugu laabto asagoo uga dan lahaa in aysan dib u soo hurin colaaddii hore inkastoo uu si dadban u sheegay in uu had iyo goor taageerayo guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Afrika kaasoo daacad ah sida uu sheegay Faarax oo ay ka muuqatay rajada uu ka qabo in uu mar kale hogaanka u qabto xiriirka kubadda cagta soomaaliyeed.
Faarax Sindiko oo aad looga yaqaano kubadda cagta dalkeena iyo kan qaaraddaba ayaa sheegay in uu dib u bilaabay qayb ka mid ah shaqadii uu ka hayey xiriirka Afrika ee CAF asagoo filaya in inta hartayna uu dib u heli doono kuwaasoo u fududayn doona dib ugu soo laabashadiisa xiriirka soomaaliyeed.
Waraysigan ayuu Faarax Sindiko sidoo kale uga hadlay heerarkii kala gedisanaa ee u ka soo maray cayaaraha iyo sidii uu hogaanka ku qabtayba inkastoo aan la waydiin rug cadaagan su'aalo badan oo jawaabtooda ay dhagaha u taagayeen dad badan oo caawa u fadhiyey in ay maqlaan jawaabahaasi.
Si kastaba ha ahaatee Faarax Sindiko oo ah nin asagu wax badan u soo qabtay cayaaraha dalkeena balse aan abuuran miro badan oo uu maanta intifaacsado, awood sheegasho iyo kaligii talisnimo badana ku hayey bahwaynta cayaaraha dalka ayaa la filyaa in uu dagaal badan iyo jahawareer kala kulmo iskudaygiisan dib u helidda hogaamadan inkastoo uu saaxiibo badan oo awood ku leh cayaaraha dunida uu ku leeyahay maaamulada kala gedisan ee caalamiga ah gaar ahaan kan Afrika oo uu durbaba ka shaqo bilaabay sida uu cadeeyey Faarax Sindiko.
Dad badan ayaa hadaba iswaydiinaya su'aalahan dhawrka ah:
- Heerkee ayuu gaarsiisan yahay cafiska uu sheegay Faarax in loo fidiyey?
- Shaqada uu CAF ka hayey Faarax ma waxay ahayd mid aan la buuxin oo asaga u xirnayd, maxaase ka horistaagi kara tan soomaaliya haddiiba uu awoodaasi ku leeyahay CAF oo ah xiriirka uu hoos tago kan soomaaliyeed?
- Faarax lug ma ku leeyahay shirkii ay dhawaantan qabteen kooxaha 22 ka ah ee uu asaguba carabka ku dhuftay?
- Maxaa la gudboon xiriirka kubadda cagta iyo maamulkiisa ma xafiisyada ayey sii faaruqin doonaan mise?
- Awood intee le'eg ayuu Faarax ku leeyahay xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA haddii la doorto mar kalese si fudud ma lagu aqbali doonaa?
- Awoodda CAF uu ku leeyahay Faarax mid la mid ah ma ku leeyahay guddiga olimbikada adduunka?
- iyo ugu dambayntii Faarax dabadiis maxaa ku soo kordhay cayaaraha dalka maxaase ka dhinmay?
Haddii alaha awoodda lihi ogolaado waxaan su'aalahaasi oo idil uga jawaabi doonaa qormooyinka xiga oo noqon doona kuwa taxane ah ilaa iyo inta ay soo shaac bixi doonaan halka ay u jihaysan yihiin maamulada cayaaraha dalka.
Fadlan haddii aad jawaab u haysid su'aalaha kor xusan noogu soo dir, cayaaraha@yahoo.co.uk adigoo aan cidna shaqsiyaddeeda wax u dhimin.
Halkan ka akhri qoraalkii laga qoray cafiskii Faarax ee Blatter.
Ban lifted for Somalia's Farah Addo (Siindiko)