|    Register
 
Friday, July 04, 2008
Article Details
Manchester United oo markii 17 aad ku guulaysatay horyaalka Ingiriiska.

Waxaa shalay la soo gabagabeeyey horyaalkii dalka Ingiriiska oo ahaa kii ugu xiisaha badnaa qaaradda yurub ee sanadkan kaasoo ay kooxda Man U ku guulaysatay markii 17 aad.

Horyaalkan ayaa waxaa la isla gaaray maalintii ugu dambaysay ka dib markii ay kooxda Chlesea ayaduna rajo fiican ka lahayd koobkan isla markaana gurigeeda ku haysatay kooxda Bolton haddii ay ka badin lahayd isla markaana ay Manchester barbardhac gali lahaydna ay Chelsea ka marooqsan lahayd horyaalka balse ay Man U oo ah koox awood badan ay u xoog sheegatay kooxdii Wigan sidaasna ay koobkan ku hantiday.

Manchester United ayaa koobkan ku hantiday dhibco dariishadana ka saartay in ay goolal tirsi ku qaaday ka dib markii ay Chelsea laba dhibcood iska tuurtay maadaama ay ka badin waysay Bolton.

Daafac adag iyo weeraryahano dhaliyey 58 gool marka laga jaro goolashii laga dhaliyey kooxdooda  ayaa saldhig u ahaa guushan uu macalinkani markii 10 aad ka gaaray tan iyo markii magaca Premier League loo bixiyey horyaalkan sanadkii 1992.

Goolasha kooxda Man U ay ku hantiday horyaalkan ayaa waxaa kala saxiixay laba cayaartoy oo aad qiimo ugu lahaa taageerayaasha kooxda in ay dhaliyaan kuwaasoo kala ah Ronaldo oo asagu sanadkan ahaa cayaartoygii ugu wanaagsanaa kooxda iyo waliba cayaartoyda dalkan iyo Ryan Gigs oo asagu markii tobanaad horyaalkan la qaaday macalin Fergusson iyo kooxdiisa Man U.

Gabi ahaanba cayaarihii Premier League ee maanta la cayaaray ayaa waxay ahaayeen kuwo xiiso iyo xamaasad aad u wayn xambaarsanaa. Cayaaraha maanta la cayaaray ayaa waxaa ka soo baxay natiijooyin naxdin iyo farxadba iskugu jira. Haddii aan tusaale yar ka soo qaadano, kooxda Everton ayaa waxay u soo baxday koobka UEFA, markii ay kaga guulaysteen 3-1 kooxda Newcastle. Halka ay labada koox ee Birmingham City iyo Reading ay ku darsameen kooxda Derby County oo ay hoos galeen, sanadka danbena aaney cayaarayn tartanka Premier League. Nasiib wanaagse waxaa iyagu ka fakaday in ay hoos galaan kooxda Fulham oo 1-0 kaga badisay kooxda Portsmouth.

Labadda koox ee Manchester United iyo Chelsea ayaa waxay kulmayaan bishan May 21, 2008, iyaga oo cayaari doona cayaarta kama danbaysta ee Champions League. Cayaartan kama danbaysta ah ayaa waxaa lagu qabanayaa garoonka Luzhniki oo kuyaala magaalada Mosco oo ah magaala madaxda dalka Ruushka.

Qore: Tifatiraha iyo Abdirahman Mukhtar (Abdirashiid)

         Minneapolis, USA

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 5/12/2008
Number of Views: 302

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use