Cayaartan oo galabta ka dhacday garoonka wayn ee kubadda cagta ee magaalada Nairobi ayaa waxa ay xulka dalkeenu markii ugu horeysay muddo 17 sano ka badan ay muujiyeen cayaar farsamo, dadaal iyo adkaysi badan uu ka muuqday raalina galisay dadkii soomaaliyeed ee faraha badnaa ee ka soo qaybgalay cayaartan.
Xulka Soomaaliyeed ayaa inkastoo la isku dayey in madaxa looga cayaaro isla markaana la niyad jabiyo maadaama muddo 16 saacadood ka badan lagu hayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi ayaa hadana gartay khiyaamada kubadda cagta oo waayahan dambe marka kooxda la dareemo in ay awood fiican tahay la isku dayo in niyadda lagala dagaalo, ayagoo muujiyey dulqaad iyo waayaaragnimo aan laga filayn.
Cayaartan oo lugtii hore ay magaalada Jabuuti xulka soomaaliyeed ku soo adkaadeen 2-1 ayaa waxaa ay khasab noqotay in lagu kala saaro rigoorayaal kuwaasoo mid ka mid ah cayaartoyda soomaaliyeed uu lumiyey fursadaasi sidaasina ay xulka Kenya ugu gudbeen wareega labaad.
Xulka da'yarta 20 jirada iyo macalinkoodaba waxa ay labada cayaarba muujiyeen isbadal yididiilo badan ku abuuray bahwaynta cayaaraha soomaaliyeed waxaana muuqata in xiriirka kubadda cagta soomaaliyeed uu dhagaystay talooyin badan isla markaana uu horey u qaadayo talaabooyin mudan in lagu amaano lagauna dhiirigeliyo.
Madax ka tirsan safaaradda soomaaliyeed ee Kenya oo uu horkacayey safiirka dawladda ku meelgaara u fadhiya Kenya iyo dadwayne aad u fara badan oo soomaaliyeed ayaa maanta ka qaybgalay daawashada iyo dhiirigelinta cayaartoyda soomaaliyeed waxayna cayaarta dhamaadkeedii u sheegeen cayaartoydan da'da yar in ay ku qanceen cayaartii iyo dadaalkii ay muujiyeen.