Cayaartan oo aad u xiisa badnayd ayna daawanayeen taageerayaal iyo waliba dadwaynaha caalamka oo aad u fara badan ayaa waxaa goolkii ugu horeeyey helay kooxda Chelsea kaasoo u dhaliyey weeraryahanka reer Ivory Coast Didier Drogba qaybtii hore ee cayaarta.
Qaybtii labaad ayuu xiddiga kooxda Liverpool ee Torez u saxiixay kooxdiisa goolkii barbardhaca kaasoo ku qasbay cayaarta in lagu daro waqti dheeri ah si ay kooxuhu ugu kala baxaan maadaama ay cayaartii horena ku soo dhamaatay 1-1.
Khalad lagu galay cayaaryahan Ballack ayaa keenay in Chelsea loo dhigo rigoore kaasoo uu si degan u dhaliyey cayaaryaha Lambard oo asaga ay tacsi u tiilay usbuucan ka dib markii ay hooyadiis geeriyootay wuxuuna dhunkaday markii uu goolka dhaliyey calaamadda madaw ee tacsida loogu xiro gacmaha cayaartoyda asagoo ulajeeday hooyadiis.
Intaasi ka dib ayey kooxda Chelsea mar kale heshay gool uu u dhaliyey Drogba oo caawa u muuqday nin asagu indhaha ku haya final ka iyo Moscow ka dib markii uu si fudud u xareeyey kubad uu si dadban ugu soo dhigay Anelka, waxayse Liverpool keentay wax yar ka dib goolki labaad kaasoo si aad ah u cabsi geliyey taageerayaasha Chelsea maadaama ay Liverpool caan ku tahay dhalinta goolasha xiliyada dambe.
Si kastaba ha ahaatee Chelsea oo lagu yaqaano ad adayg ayaa jilbaha u dhigtay weerarkii Liverpool sidaasna uga aargudatay Liverpool maadaama ay muddo afar sano gudahood ah heerkan oo kale laba mar ku reebtay.
Macalinka kooxda Chelsea oo ay beryahanba aad u hadal hayeen dadka ka faalooda cayaaraha ayaa caawa ah ninka ugu faraxa badan dunida maadaama uu Chelsea markii ugu horeeyey u soo gudbiyey cayaarta kama dambaysta ah ee koobka ugu qiimaha badan qaaraddan yurub ayadoo haddii ay ku guulaystaana ay noqon doonaan kooxdii ugu horeysay ee ka dhisan magaala madaxda London oo ku guulaysata koobka horyaalka yurub.
Cayaarta kama dambaysta ah ee tartankan ayaa ka dhici doonta magaalada Moscow ee dalka Ruushka bisha May 21 keeda ayadoo ay isku hardin doonaan labada kooxood ee kala ah.
Man United v Chelsea