|    Register
 
Friday, July 04, 2008
Article Details
Manchester United oo u soo gudubtay cayaarta kama dambaysta ah ee Champions League.

Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee dalka Ingiriiska oo u soo gudubtay cayaarta Final ka ah ee horyaalka Yurub ka dib markii ay Barcelona 1-0 ku gudubtay.

Cayaartan oo caawa ka dhacday garoonka wayn ee Old Tratford ee magaalada Manchester ayey labada kooxood ahaayeen kuwa isku dheelitiran kooxda Manchester na ay si aad ah u adkaysatay daafaceeda si aysan ugu suura gelib in ay Barcelona gool ka hesho.

Kooxda Barcelona ayaa ayadu si wanaagsan u haysatay kubadda qaybtii hore ee cayaarta waxaase ay koxda Man U heshay gool uu khaladkiisa lahaa daafaca Barcelona Zambrotta ka dib markii uu kubadda si kama ah u siiyey cayaaryahanka waaya araga ah ee Man U Paul Scholes kaasoo darbad aad u xoogan uu ka laaday meel 25 talaabo u jirta goolka Barcelona daba mariyey goolhayaha kooxda Barcelona.

Barcelona ayaan helin goolkii ay raadinaysay inkastoo ay heshay fursado aan sidaasi u sii fiicnayn balse gool lagu keeni karay kuwaasoo ay jilbaha u dhigeen kabtan Ferdinand iyo daafaciisa.

Manchester ayaa u soo baxaday cayaartan finalka ah markii ugu horeysay muddo sagaal sanadood ah ayadoo sidoo kalena ay ka soo wareegtay 50 sanadood markii ay diyaaraddu kula dhacday cayaartoydii reer Manchester magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

Cayaarta kama dambaysta ah ayaa sidoo kale waxay magac iyo qiimayn wayn u soo jiidaysaa kubadda cagta ee dalka ingiriiska maadaama ay final ka isku hardin doonaan laba kooxood oo reer ingiriis ah waxaana ay kooxdani xabadka dhulka ugu haysaa kooxaha Chelsea iyo Liverpool middii soo adkaata.

Dhinaca kale macalinka kooxda Barcelona ayaa la saadaalinayaa in uu shaqo kale ka raadsan doono sanadkan maadaama uusan wax koob ah u keenin Barcelona labadii sano ee tagtay isla markaana aysan maamulka iyo taageerayaasha kooxdu ku qanacsanayn qaabka uu wax u wado. 


Written By: Mohamud
Date Posted: 4/29/2008
Number of Views: 252

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use