|    Register
 
Friday, July 04, 2008
Article Details
Ronaldo oo loo doortay cayaaryahanka cayaartoyda ee sanadkan 2008 da.

Xiddiga kooxda Man United iyo Portugal Christiano Ronaldo ayaa loo doortay cayaaryahankii ugu wanaagsanaa sanadkan cayaartoyda dalkan ingiriiska biladdaasi oo ay bixiyaan ururka cayaartoyda dalkan ingiriiska (Professional Footballer's Association).

Ronaldo ayaa ku guulaysanaya biladdan sanadkii labaad ee isku xiga ayadoo ay cayaartoyda ay meheradoodu tahay kubadda u garteen laacibkan ka dib markii uu 38 gool ka dhaliyey cayaarihii kala gedisanaa ee uu kooxdiisa u saftay sanadkan isla markaana ay kooxdiisu hadda u taagan tahay amaba qarka u saaran tahay ku guulaysashada koobabka horyaalada dalkan ingiriiska iyo waliba yurub.

Ronaldo ayaa uga hormaray ku guulaysashada biladdan cayartoyda kala ah Tores iyo Gerrard oo Liverpool ah, Fabregas iyo Adebayor oo Arsenal u safta iyo waliba goolhayaha waayaaraga ah ee kooxda Portsmouth David James oo dhamaantood kula tartamayey biladdan.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan mar kale ku guulaysto biladdan qaaliga ah" ayuu si degan u yiri Ronaldo markii la guddoonsiiyey biladda.

"Markii aad si wanaagsan u cayaarto sanadka oo idil isla markaana lagu guddoonsiiyo biladdan oo kale waxay ku sii galinaysaa dhiirigelin si aad halkaaga uga sii wado" ayuu ku daray xiddigani markii uu macalinkiisa Alex Fergusson ka guddoomay biladdan maadaama uusan goobjoog ka ahayn xafladdii lagu bixinayey biladaha asagoo isku diyaarinayey cayaaraha adag ee ku soo fool leh.

Cayaaryahanka da'yarta ee sanadkan ugu wanaagsanaa ayaa loo doortay Sces Fabregas oo u safta kooxda Arsenal asagoo uga hormaray cayaartoyda da'yarta kala ah Torres, Micah Richards, Gabriel Agbonlahor iyo Ashley Young.

 "Biladdan waxaan u hibaynayaa cayaartoyda kooxdayda Arsenal sababtoo ah waxay ii caawiyeen sanadkan si aad ah waana mid ay biladdani naga wada dhaxayso" ayaa ka mid ahaa hadaladii Fabregas.

Dhinaca kale waxaa ayagana la doortay cayaartoydii ugu  wanaagsanayd boos ahaan intii uu sanadkan socday horyaalka dalkan ingiriiska kuwasoo oo laga dhigay koox inkasta oo ay kooxo kala gedisan u cayaaraan waxayna kala yihiin ayaga iyo kooxahooduba sidan.

David James (Portsmouth), Bacary Sagna (Arsenal), Rio Ferdinand (Man Utd), Nemanja Vidic (Man Utd), Gael Clichy (Arsenal), Steven Gerrard (Liverpool), Cesc Fabregas (Arsenal), Cristiano Ronaldo (Man Utd), Ashley Young (Aston Villa), Emmanuel Adebayor (Arsenal), Fernando Torres (Liverpool).


Written By: Mohamud
Date Posted: 4/29/2008
Number of Views: 384

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use