|    Register
 
Friday, July 04, 2008
Article Details
Kahbiir Daysane iyo saadaashiisa Champions League 2008.

Waxaa labada habeen ee talaadada iyo arbacada foodda inagu soo haya lagu kala bixi doonaa cayaarihii semi-final ka ee tartanka kooxaha horyaalada qaaradda yurub oo ah tartanka ugu xiisaha badan dunida marka laga reebo kan adduunka.

Manchester United v Barcelona (Hordhac)

Cayaartii hore oo ay labadan kooxood ku yeesheen guriga kooxda Barcelona ayaa kooxda Manchester waxaa la tusay wacdaro aad uga heer sareeyey qaab cayaareedkooda inkastoo ay si aad u heersaraysa ayaguna u difaacdeen goolkooda si kasta oo ay kubadda isugu dhiidhiibeen Barcelona, waxaana aan taasi ku macnayn karaa in macalinka kooxda Manchester uu u tagay Barcelona in uu marka hore daafacdo gooshiisa marka xigana helo hal gool taasoo midii ahayd daafaca u hirgashay halka fursaddii kaliya ee ay goolka ku heli kareena uu rigooradii loo dhigay bilawgii cayaarta ka lumiyay cayaaryahankooda caanka ah Ronaldo.

Barcelona ayaa la hubaa in aysan joojin doonin amaba yarayn doonin qaabcayaareedkooda ku dhisan weerar joogta ah cayaartooda habeen dambe ku dhexmari doonta magaalada Manchester ayadoo dhinaca kalena kooxda Manchester looga fadhiyo in ay gool keento ka dibna daafacato taasoo aad moodo in culaysku hadda u badan yahay dhinaca MAnchester.

Haddii ay kooxda Manchester ku celiso qaab cayaareedkii garoonka Nou Camp oo ay goosha dabada la gasho waxaa hubaal ah in Barcelona ay ka faaiidaysan doonto isla markaana ay guusha ka marooqsan doonto taasoo aan qabo in dad badani sugayaan in Barcelona u soo gudubto cayaarta Final ka maadaama koox kale oo reer Ingiriis ah laga filayo dhinaca kale si ay cayaarta Final ku u yeelato dheelitiran.

Chelsea v Liverpool (Hordhac)

Cayaartii hore ee ka dhcday garoonka Anfield waxay labadan kooxood ku soo kala tageen min hal gool inkastoo ay cayaartaasi guusha lahayd kooxda Liverpool hadana uma suuragelin ka dib markii ay dhamaadkii cayaarta gool ayagu iska dhaliyeen.

Waxaa hadda saadaasha inteeda badani u badan tahay in Chelsea ay aad uga rajo wanaagsan tahay Liverpool waxaase ay dad badani su'aalo ka keenayaan waayaragnimada labada macalin ee tartankan sida ay saamayn ugu yelan karto cayaartan.

Macalinka Liverpool ayaa asagu leh waayaaragnimo aad u saraysa dhinaca horyaalka Yurub wuxuuna laba sano ka reebay kooxda Chelsea tartankan waxaase asaguna ka soo horjeeda macalin aad ay uga hadlaan warfidiyeenada dalkan kaasoo raba in uu beeniyo wararka laga qoro isla markaana soo bandhigo awooddiisa macalinimo.

Kooxda Chelsea ayaa ayadu awood u leh in ay ku guulaysato cayaartan una soo gudubto cayaarta Final ka oo ka dhici doonta magaalada Moscow ee dalka Ruushka halka Liverpool ay rajadeedu ku xiran tahay hadba sida ay gool u hesho haddii ay cayaartu barbardhac goolal la'aan ah ku dhamaatana ay Chelsea si fudud u soo bixi doonto.

Si kastaba ha ahaatee Chelsea oo ayadu si aad ah sabtidii uga yaabisay dad badan oo cambaarayn jiray qaabcayaareedkooda ka dib markii ay Mancheter 2-1 ugu awood sheegatay ayaan la ogayn sida ay uga gudbi doonto darbiga khabiirka Yurub ee Benitez.

Maxamed Axmed Daysane

Ex-Batroolka iyo qaranka


Written By: Mohamud
Date Posted: 4/28/2008
Number of Views: 568

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use