Cayaartan oo ka dhacday garoonka wayn ee Nou Camp ee magaalada Barcelona ayaa daqiiqadii labaad ee cayaarta waxaa laga dhigay kooxda Barcelona Rigoore ama laadka xorta ah ka dib markii cayaartoy ka tirsan daafaca kooxdaasi uu gacanta la helay kubad uu madaxa ku soo dhuftay weeraryahanka Man U Ronaldo, kaasoo nasiibdarro kubaddii laadka xorta ahayd ee loo dhigay uu dibadda marsiiyey isla xiddigaasi.
Kooxda Manchester ayaa laga yaabaa in rigooradan ay lumiyeen ay dhaawac xoog leh u gaysato haddii cayaarta dambe laga helo gool balse waxaa la hubaa in haddii ay sidii xalay oo kale u daafacdaan gooshooda ay ka rajo fiicnaan doonaan Barcelona.
Cayaartii xalay ayey kooxda Barcelona haysatay intii badnayd kubadda si aadna ahna uga gacan saraysay kooxda Man U ayeysan abuurin fursado ay gool ku heli kareen inkastoo ay kuwa aan sidaas u sii fiicnayn abuureen.
Si kastaba ha ahaatee labadan kooxood ayaan la saadaalin karin cidda cayaarta dambe ay guushu raaci doonto maadaama ay labada kooxoodba haystaan cayaartoy aad khibrad ugu leh cayaarahan waawayn isla markaana wax ka badali kara qaabka uu tartankani u socdo.