Xasan waxa uu dalka ka soo tagay sanadkii 1980 kii asagoo ilaa iyo xiligaasina ku sugnaa dalka Qatar oo uu macalin kubadda cagta ka yahay ayadoo dhinaca kalena uu wiil uu dhalay Xasan uu kubadda cagta ee dalka Qatar ka gaaray ilaa iyo heer qaran una cayaaro koox ka mid ah kooxaha ugu waawayn dalkaasi.
Qormadayada One 2 One oo aan xiddigan ku waraysan doono waxay aad uga duwan tahay kuwii hore waxaanan akhristayaasheena ugu bishaarynaynaa in ay su'aalo soo waydiin karaan xiddigan anagoo dhamaan su'aalaha aad soo waydiisaan si toos ah ugu gayn doona Xasan Cafiifi ka dibna uu idinkaga soo jawaabi doono.
Hadaba akhristow haddii aad ahayd taageere kooxdii Horseed iyo haddii aad ka soo horjeedayba waxaad maanta fursad u haysataa in aad bahda cayaaraha.com kala qaybqaadato waraysigan taariikhiga ah adigoo soo waydiinaya su'aalihii madaxaaga daashaday ama dad kale aad ka waydiin jirtay xiddigan Xasan Cafiifi.
Fadlan su'aashaadu ha ahaato mid faaiido u leh waraysigan taariikhiga ah isla markaana ku dheehan asluub iyo waayaragnimo waxaanan uga digaynaa akhristayaasheena in aanan xiddigan u gayn doonin su'aal aan u qalmin sharaftiisa, magaciisa iyo kan shabakaddan cayaaraha.com.
Fadlan ku soo hagaashi su'aalhaaga ka hor 20 April 2008 cinwaankan hoose adigoo soo raacinaya magacaaga iyo dalka aad degantahay:
Your questions will be answered directly by Somali Football legend Hassan Cafiifi Yahya.
cayaaraha@yahoo.co.uk