Abuukar Axmed Maxamed (Abuukar Shiino) Waxaa uu ku dhashay Gobolka Bay Apriil 8 deedii 1959kii,dabadeedna waxaa uu u soo wareegay degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka shabeelaha Hoose.
Abuukar waxaa uu ka soo jeedaa Qoys beeraley ah oo caan ku ahaa xannanaynta digaaga,waxaana aad looga yaqaanay degmada Afgooye iyaga oo loogu yeeri jiray qoyskooda “ Dooraale”
Abuukar waxaa uu ahaa Ciyaartooy, hase yeeshee waxaa uu u fakiri jiray qaab macallinimo marka uu ku dhex jiro garoonka iyo marka uu dibadda ka joogaba,marka aan dhinaca kale u fasiro waxaa uu ahaa macallin ku dhex jira ciyaartooyda oo taladiisa,aragtidiisa iyo saadaalintiisuba ay aad u qoto dheerayd,Sidoo kalena waxaa uu aad ugu xeeldheeraa inuu akhriyo ama darso kooxda ama ciyaartooyga ka soo horjeeda ee legdanku ka dhaxeeyo.
Sidoo kale Abuukar waxaa uu ahaa ciyaaryahan geesi ah oo si aad ah ugu dhex muuqday kooxdiisa Muqdisho iyo xulka qarankaba iyo guud ahaanba garoomada lagu cayaaro Kubadda koleyga, waana shaqsi bashaash ah oo aad u furfuran, aadna u sheeko badan, isla markaana aad u jecel mar kasta inuu dhiirrigaliyo ciyaaryahannada yaryar ee soo koraysa.
Waxyaabaha cajiibka ee saadaalinta ah ama ra’yiga wanaagsan oo guusha ama guuldarada noo horseeday oo anigu(Shiikha) ahaan aan aadka ugu xasuuto Abuukar Shiino muddadii aanu ka tirsanayn Xulka qaranka ee kubbadda koleyga ayaa waxaa ka mid ahaa:
`
1) Ciyaar ku tirsanayd isreebreebkii ciyaaraha All African Games oo lagu qabtay Muqdisho kaasi oo ay foodda is dareen xulalkii qaranka kubadda Koleyga ee Soomaaliya iyo xulka Masar oo ka mid ah dalalka Afrika ee lagu tiriyo inay ugu awoodda badan yihiin ciyaarta K/Kolyga, ayaa waqtigii nasashada (Half time) oo fikradaha la isku darayay ayuu Abuukar Fikir wacan soo jeediyay oo wuxuu yiri: Waxaa loo baahan yahay in la jabiyo qaab difaaceedka” Zone” ay ku ciyaarayaan kooxda Masar oo bannaanka loo soo saaro,sidaasi darteedna waxaa ila habboon in dhiirrigalin iyo kalsooni badan la siiyo ciyaartooydeena tuurashada ku fiican(shooters) ahaa oo kooxdii Soomaaliyeed ay wateen loona fasaxo inay tuuraan kubadaha sida: Dhamme iyo Shiikha. Arrintan iyada ah waxaa ay dhalisay in goolal badan aan dhalino oo darbigii adkaa ee Masar ay dhisteen la jabiyo. Waxaana daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaartu ay ka bixi wayday in marba koox ay hoggaanka qabato oo aakhiritaankiina ay guushii ku dambayso kooxdii Soomaaliyeed,Iyadoo aan filayo guushaasi inay ahayd markii ugu horraysay taariikhda oo xulkeenna Qaranka kubadda koleyga uu ka adkaado xulka Qaranka Masar.
2) Ciyaarihii all African games wareeggii labaad oo lagu qabtay(Nairobi),ayaa waxaa isku wareeg noqday Somalia,Kenya,Zimbabwe, iyo Ivory Coast. Ciyaartii ugu horraysey waxaan si xarrago leh uga adkaanay Zimbaabwe. Ciyaartii labaad oo aan la lahayn Ivory Coast Ayuu Abuukar Shiino soo jeediyay fikrad aad u wanaagsan oo wuxuu yiri: ” Kooxda Ivory Coast Waa koox Culus,yaanan xoog badan la saarin in laga adkaado oo awood badan yaan lagu lumin, ama yuusan dhaawac nagu gaarin ee Ciyaarta aan la ciyaarayno Kenya aan xoogga saarno inaan adkaano si aan Semifinalka ugu soo gudubno”
Fikraddan iyada ah waxaa ay dhalisay in ciyaartooydii intoodii badnayd ay ka caroodaan, tababarayaashiina ay diidmo la yimaadaan, Waxaase Maxsuulkii uu noqday markaan ciyaartaasi nafta dul dhignay in kooxdii Ivory Coast ay si dirqi ah nooga adkaadaan. Hase yeeshee arrinta cajiibka ah ayaa ahayd in xulkii Kenya oo aan is lahayn casir dheer ayaan duban doontaan in ay nooga adkaadaan 16 dhibcood,taasi oo amakaag iyo anfariir ku riday bulshada Soomaaliyeed ee jecel kubadda koleyga oo aan iyagu sinnaba ugu cuntamin guuldaradaasi.
Abuukar waxbarashadiisu waxaa ay gaarsiisan tahay heer jaamacadeed,isaga oo ka baxay machadkii la oran jiray Sidam(Bachelor of Accountant) Abuukar haatan waa xaas leh 2 caruur ah ,waxaana uu ku nool yahay magaalada Ottawa ee dalka Canada.
Haddaba waxaa ii suurogashay inaan Abuukar kula kulmo gobolka Oregon, magaalada Ashland, kana waraysto taariikh nololeedkiisa isboortiga,waxaana uu u dhacay sidan:
Shiikha:Goorma ayaad billowday ciyaaraha? Yaase kugu gacan qabtay ama kugu dhiirrigaliyay?
Abuukar Shiino:Inta aanan ka jawaabin su’aashaada ayaan rabaa inaan marka hore kuu caddeeyo ciyaaraha waxaan ku bilaabay kubadda cagta oo saaxiibadaydii aan isla soo kornay aan ku ciyaari jirnay degmada Afgooye oo ahayd halkii yaraantayadii aan ku soo barbaaray,hase yeeshee markaan u soo wareegay Xamar waxaa igu dhacay Masayr wayn oo aan ka qaaday dhallinyaradii aan kubbadda cagta wada ciyaari jirnay oo u wareegay kubadda Koleyga,waxaana markaasi ay dantu igu kalliftay inaan u wareego kubadda koleyga..Waxaana si aad ah iigu dhiirrigaliyay, iguna gacan qabtay rag badan oo aan ka xusi karo tababarihii xulka qaranka k/koleyga Soomaaliya Cismaan Cali Abanuur “Buruno”, Abuukar Boocoow, iyo Axmadey Foormo.
Shiikha: Ciyaarta kubadda koleyga iyadu qaabkee ku billowday?
Abuukar Shiino: 1974 kii ayay ahayd markii iigu horraysay oo aan cayaaro cayaaro qaabaysan(Official games),waxaana ka qayb-galay tartankii ciyaaraha caruurta yaryarka ee degmooyinka gobolka Banaadir (Mini Basket),Sidoo kalena 1977kii ayaan iyaduna ka qayb-galay ciyaarihii juunyeeriska heerka 3aad oo aan u saftay naadigii Muqdisho.
Shiikha:Naadigaagii caan baxay ee Muqdisho,goorma ayaad ku biirtay?
Abuukar Shiino: 1977 kii ayaan ku biiray oo aan ka tirsanaa ilaa 1989kii.

Ka Billow Bidix:Tababare MaxamedFaarax,Cabdullahi Xaaji,Yuusuf Macallin,Dhamme,Cali Shiikh,Mahad iyo Isaaq.
Kuwa Fadhiya: Abuukar Shiino,Axmadeey,Cabdijabaar,Xasan Abati iyo Caydaruus.
Shiikha:kooxihii kubadda koleyga ee waqtigaasi jiray,wax ma inooga sheegi kartaa?
Abuukar Shiino:Kooxihii jiray waqtigaasi waxaa ka mid ahaa: Feerfeer, Somalitex Balcad, Sahan, Wagad,Caafimaadka, LL.PP (Jeenyo), Badda, Waxool, Muqdisho, Boostada & Isgaarsiinta,,Sigaarka & Tarraqa, Madbacadda, caymiska,iyo Horseed.
Shiikha: Muddadii aad u safnayd naadiga Muqdisho wax koobab ah oo ay ku guulaysteen ma jireen,ha noqdeen koobkii Jeneraal Daa’uud iyo kii horyaalka?
Abuukar Shiino: Muddadii aan ka tirsanaa naadiga Muqdisho waxaan ku guulaysanay 2 koob oo Jeneraal daa’uud ah iyo 2 jeer oo aan ku guulaysanay koobkii horyaalka dalka.
Waxaa iyaduna xusid mudan in ciyaarihii xiddigaha ee ugu xiisaha badnaa tartamadii la qabtay 1986kii,kooxdii kubadda koleyga aan ka tirsanaa ee Garyaqaanada ay ku guulaysteen koobkii kaalinta koowaad.

Shiikha: Goorma ayaad ku biirtay ciyaaryahannada heerka qaran ee kubadda koleyga?
Abuukar Shiino: 1979kii ayaan ku biiray ciyaaryahannadii xulka qaranka oo aan ka tirsanaa ilaa sannadkii 1989kii.
Shiikha: Ma ka qayb gashay tartammo ciyaaro oo caalami ah?wax guulo ahse ma gaareen kooxdii qaranka Soomaaliyeed oo aad ka mid ahayd?
Abuukar Shiino: Tartamo ciyaareed oo faro badan oo caalami ah ayaan ka qaybgalay oo lagu kala qabtay dalklka Afrika iyo Carabta…Kooxdii qaranka oo aan ka tirsanaa guulihii ugu waawaynaa oo aynu gaarnay waxaa ka mid ahaa:
1979kii waxaan ku guulaysanay kaalinta 1aad ciyaarihii jaamacadda carabta(Arab league)oo lagu qabtay Muqdisho(Somalia).
1981 kii kaalinta 3aad ciyaarihii afrikaanka(All African Games)oo lagu qabtay Muqdisho(Somalia).
Shiikha:Kooxihii aad la ciyaartay ciyaaraha caalamiga ahaa ,wax ma xusi kartaa?
Abuukar Shiino: Kooxihii aan la ciyaaray aad bay u faro badnaayeen waxaana ka mid ahaa: Urdun, Kuwait,Ciraaq, Sacuudi Arabia, Muzambique, Kenya, Jabuuti, Suudaan,Central Africa,Zambia, Muritania, Angola, Ivory Coast, Senigal, Nayjeeriya,Tunisia,Angola, Marooko,Aljeeriya, Libiya, Egypt, Ethiopia, Yaman, Phalastine,Lubnan,Baxrayn, Indonesia,Iraq, Siriya iyo kuwo kale oo aan xusuusan Karin.
Shiikha: Tababarayaashii ku soo layliyay,yaad is leedahay wax faro badan ayaad ka faaiidaysatay oo aqoontaadii kubadda koleyga kor u qaaday?
Abuukar Shiino: Tababarayaal faro badan ayaa I soo maray intaan ku jiray xayndaabka ciyaarta K/koleyga oo ay ka mid ahaayeen:Axmadey Foorno Allaha u naxariisto,Abuukar Boocoow,Cabdiladhiif,Cismaan Buruno,Maxamed Faarax,Abdi Dheere, Abdullahi Tarabi, Fuaad Fujuu, Ibraahim Buruko ,Tarabi wayne,Adriyaano Allaha u naxariisto,Art Duran,Aama Busuri intuba waxaa ay ahaayeen kuwo aqoontoodu ay aad u heer sarreysay oo wax badan aan ka faa,iidaystay.

Shiikha:Wax ma iiga sheegi kartaa muddadii aad ku dhex jirtay ciyaaraha waxyaabihii kuugu farxadda badnaa ama kuugu naxdin badnaa oo aad la kulantay?
Abuukar Shiino: Kooxihii Muqdisho Iyo Jeenyo ayaad moodaa inay ka mid ahaayeen kooxihii cayaarahooda loogu hadal hayska badnaa aadna loo sugi jiray isku dhacooda waxaana isku ahayn Mukulaal iyo Jiir oo kale,marka farxaddaydii iigu waynayd waxay ahayd markii aan ka guulaysanay kooxdii Jeenyo oo aan ka qaadnay koobkii Jeneraal Daa’uud 1981kii. Farxaddii labaad ayaa ahayd markii xulkeenna K/Koleyga uu ka adkaaday Kooxdii Masar.
Hase yeeshee waxaa iigu naxdin badnayd Ciyaar ciyaarihii waddammada carabta oo lagu qabtay Sacuudiga oo aan la ciyaarnay xulka Ciraaq taasoo ay dagaalameen labada kooxood, garoonkiina aan isaga baxnay ,innaga oo hoggaanka ku haynay ugu yaraan 10 dhibcood.
Shiikha: Ciyaaryahannadee ugu jeclayd inay garbahaaga buuxiyaan markaad u ciyaaraysay kooxdaada Muqdisho iyo xulka qaranka intaba?
Abuukar Shiino:Aad baan u wada jeclaa dhammaanba kooxdaydii Muqdisho,waxaanse aad u sii jeclaa markaan jaanta isla helno ciyaartooydii ay ka mid ahaayeen:Cabdi Cali,Dhamme,Isaaq dheere,Cali Cismaan,C/risaaq Ugaas iyo Cabdijabaar. Xulka qaranka waxaan iyaguna ka xusi karaa: Bashiir Fox, Baarajab, Axmed Daahir iyo Shiikha.

Shiikha:Abuukar ma jireen noocyo ciyaareed oo k/koleyga aan ahayn oo aad safatay?
Abuukar Shiino: Maya, ma jirin,laakiin sidaan horay u carabaabay, yaraantaydii waxaan ciyaari jiray k/cagta oo aan aad u jeclaa,ilaa haatanna waan ciyaaraa in kastoo aan darajo fiican ka gaarin.
Shiikha:Goorma ayaad u wareegtay dhanka tababaranimada, kooxihii aad laylisay? Iyo guulihii ay gaareen kooxihii aad gacanta ku qabatay?
Abuukar Shiino:1984 kii ayaan u wareegay dhanka tababaranimada aniga oo markaasi waliba ahaa ciyaartooy naadiga ka tirsan,waxaana gacanta ku hayay kooxdii gabdhaha kubadda koleyga ee naadiga Muqdisho oo iyugu ku guulaystay
Kaalinta 2aad horyaalka.
Sidoo kale 3 sano ayaan tababare u ahaa gabdhihii ku cayaarayay magaca gobolka banaadir, labada sannadoodood waxaa ay ku guulaysteen koobkii kaalinta koowaad, sanadna waxaa ay galeen kaalinta 2aad.
Shiikha:Marka aad soo koobto ,sidee buu ahaa maamulkii isboortiga dalka Soomaaliya guud ahaanba?
Abuukar Shiino:Guud ahaan maamulkii isboortiga waxaa uu ahaa meel dhexdhexaad ah, hase yeeshee dhaqaalaha isboortiga lagu bixiyo ayaa aad iyo aad u hooseeyay.
Shiikha:sida dad badani ay qabaan, Qaladaad isboorti oo faro badan ayaa jiray,marka waxyaabihii aad qaladaadka u arkaysay maxaa ka mid ahaa?
Abuukar shiino: Waa xaqiiqo inay jireen qaladaad faro badan,kuwii ugu darnaa oo aniga ahaan ii muuqday waxaa ka mid ahaa;
A) Koxaha Heerka koowaad oo ku koobnaa magaalo madaxda, waxaa ku habboonayd sidii ciyaaraha gobolada oo kale in dhammanba gobolada dalka laga sameeyo kooxo heerar kala duwan leh sida: heerka 1aad,heerka 2aad, heerka 3aad ,Iyo kooxaha mini basketka sida calamka ka jirta.
B) Kooxaha heerka 1aad oo aad u yaraa,waxaa habboomnayd in la badiyo kooxaha heerka 1aad ee naadiyada dalka.
C) Dhaqaalaha Isboortiga oo aan ahayn mid loo madaxbannaan yahay..
D) wakiilada Isboortiga ee gobolada oo aan jirin.
Shiikha: Muddadii aad joogtay Ottawa (Canada),wax hawlo isboorti ah oo aad qabatay ma jiraan?
Abuukar Shiino: Haa waa ay jireen,waxaan ka mid ahay tababarayaasha kubadda koleyga,waxaana mar kastaba ka qayb qaataa barbaarinta iyo kobcinta dhallinyarada yaryar ee soo koraysa., Sidoo kale waxaan gacanta ku haynaa caruur yaryar oo aan barno kubadda cagta. kubadda cagta, waxaana jeclahay inaan halkan ka xuso communitiga la yiraahdo Somali Center oo iyagu aad nooga caawiya arrimaha dhallinyarada iyo isboortiga.
Shiikha: Sida aad ka warqabto 18 sano ayaa laga joogaa burburkii ku dhacay dalkeennii Soomaaliya,marka aad u fiirsato caruur faro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku hawlan ciyaarta kubadda koleyga. Ma saadaalin karaysaa in Dhallinta Soomaaliyeed ay ka muuqan karaan ama ka muuqan doonaan Mustaqblka ciyaaraha Caalamiga ah ama kuwan Heerka College ama NBA da ?
Abuukar Shiino: waa Su,aal culayskeeda wadata,balse waxaan aaminsanahay in mustaqbalka la heli doono dhallinyaro Soomaaliyeed oo caan ku noqda ciyaaraha noocyadooda kala duwan,waxaase dhibaato xooggan naga haysataa size ka caruurteena Soomaaliyeed oo aad u hooseeya,ha noqoto dhererka, xoogga,laakiin farsamada caruurteena aad bay u heer sarreysaa.
Shiikha: Maxaad is leedahay isboortiga Soomaaliyeed waa lagu horumarin karaa guud ahaantiisaba?
Abuukar Shiino:waxa lagu horumarin karo waa iyada oo si niyad ah loogu shaqeeyo dhallinta Soomaaliyeed meel kasta oo dunida ah oo ay joogaan,la gacan qabto caruurta soo koraysa ee yaryar.
Shiikha:Ugu dambayntii,Maxaad talo ahaan ugu soo jeedinaysaa maamulka Iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku hawlan horumarinta Isboortiga?
Abuukar Shiino:Waxaan talo ahaan ugu soo jeedinayaa in la joogteeyo dadaalada lagu horumarinayo isboortiga noocyadiisa kala duwan,iyo in iskaashi dhex maro maamulka isboortiga iyo ciyaartooyda, meeshana laga saaro “anigaa iri oo khalad un lagu socdo” ,marka si khaladaadkii hore looga baxo oo horumar muuqda loogu tallaabsado waa in talada laga qaybgaliyaa ruux kastaa oo Soomaaliyeed oo danaynaya in Isboortiga Soomaaliyeed dhulka laga qaado.
Waxaa waraysigan diyaariyey xiddigii hore ee naadiga Badda iyo xulka qaranka kubadda kolayga C/Qaadir Xaaji daahire (Shiikha) waraysigan oo sawira kale wata iyo kuwa kaleba ka daalaco shabakaddan hoose.
www.somali-youth.org