Maxamed Xaaji Aaden oo ku magac dheer “Uureey” ayaa ka mid ahaa cayaartoydii sida aadka ah looga qadarin jiray garoomada kubadda cagta dalkeena asagoo guulo fara badana la soo qaybsaday saaxiibadiisii kooxdii caanka ahayd ee Jeenyo “LLPP” iyo waliba xulkii qaranka soomaaliyeed oo uu muddo badan ka mid ahaa.
Waxaan Maxamed Xaaji kula kulmay magaalada Toronto ee dalka Canada halkaasoo uu ku noolaa muddo dheer asaga, xaaskiisa iyo lix caruur ah oo uu dhalay (laba wiil iyo afar gabdhood) anigoo markii ugu horeysay ee aan dib u arkay Maxamed Xaaji muddo ka badan 16 sanadood ay isla markiiba xusuustayda ku soo dhacday muuqaalkii Maxamed iyo qaab cayaareedkiisii quruxda badnaa maadaama uusan qaankiisii iyo muuqaalkiisiiba wax badan iska badalin.
Sawirka sare bidix: Yuusuf Shaqaaq, Maxamuud I iyo M xaaji.
Waxaan waraysi xiisa badan kala yeeshay taariikhdiisii cayaareed, nolosha Canada iyo cayaaraha dabadood iyo waliba sida uu uga qaybqaadan karo horumarka cayaaraha iyo dhalinyarada soomaaliyeed waxaana uu waraysigeenii u dhacay sedan:
Cayaaraha: Maxamed marka ugu horeysa waxaan kaaga mahadcelinayaa aqbalaaddaada ku aadan waraysigan taariikhiga ah marka xiga sidaan la socdo adigoo magaalada muqdisho waxbarasho u jooga ayaad gobolka Bay u soo cayaartay ka hor intii aadan Jeenyo ku biirin ma jirtaa arintaasi maxaase kugu dhaliyey?
Maxamed: Marka hore bahda cayaaraha.com waxaan u soo jeedinayaa amaan sida ay isugu xilqaameen in ay muujiyaan sharaftii iyo qiimihii cayaartoydii hore iyo kuwa cusuba, tan labaad waa jirtaa arintaasi runtiina aniga diyaar uma ahayn mana islahayn diyaar ayaad u tahay xataa cayaaro gobolo laakiin waxaa igu dhiirigeliyey cayaaryahankii waynaa ee Axmed Faragumad asagoo sidoo kale kooxdii Horseedna ku dhiirigeliyey in ay isha igu hayaan waxaanan sidaasi ugu soo saftay gobolka Bay sanadkii 1975 kii. Dhinaca kale mar kasta oo iskuulka la ii xiro waxaan aadi jiray Baydhabo ayadoo jacaylka aan u qabay gobolkaasina ay keentay in aan u soo cayaaro.
Cayaaraha: Jeenyo sidee kugu heshay maadaama Horseedna ay isha kugu haysay goorma ayaadse ku soo biirtay Jeenyo?
Maxamed: Run ahantii kooxaha oo dhan cayaaraha gobolada waxay ka fiirsan jireen cayaartoy, cayaartii ugu horeysay ee gobolka Bay uu uga hortagay xulkii gobolka waqooyi galbeed ayuu macalinkii Jeenyo macalin Tuke si fiican iila dhacay asagoo markii hore indhaha ku hayey cayaartoy kale oo aan ka xusi karo Geela iyo C/Qaadir Qoslaaye, marka wadahadaladii aan la galay Jeenyo iyo waliba dad badan oo igula taliyey awgeed ayey Jeenyo iigu guulaysatay waxaanan dhihi karaa kuma khasaarin doorashadaasi aan ku biiray kooxdaasi Jeenyo sanadkii 1975 kii.
Cayaaraha: Kooxda Jeenyo markii aad ku biirtay da’daadu ayey u yarayd baan filayaa marka sidee looga dareemay garoonka kooxda cayaartoyda yaryar eek u soo biirayey xiligaasi?
Maxamed: Walaahi waxaan ahaa 18 jir markii aan ku biiray kooxda runtiina waxaan kula kulanay cayaartoy muddo ku soo jiray cayaaraha waaya aragna dhinac kasta ka ahaa waxayna noo soo dhaweeyeen si fiican wax dhibaato ahna kalama kulmin, waxaan sidoo kale oran karaa waxaan la bilaabay dhismihii kooxdii cusbayd ee Jeenyo.

Maxamed X "Labaad bidix istaaga" iyo kooxdii Jeenyo
Cayaaraha: Guulihii aad Jeenyo la soo hoysay maxaad ka xasuusataa?
Maxamed: Mudadii aan kooxda Jeenyo ka tirsanaa waxa aan ku guulaysanay saddex horyaal iyo in ka badan 6 jeneral daauud iyo waliba koobab kale oo munaasabadeed.
Cayaaraha: Maxaad isleedahay way ugu wacnaayeen guulahaas faraha badan ee Jeenyo?
Maxamed: Maamul fiican, taageerayaal aad u qiima badan oo sida aad la socotaba qaarkood ay habaari jireen caruurtooda oo kooxda naga soo horjeeda u cayaarayey sida alaha naxariistii jano ha siiyee Maxamed Xaayow oo ahaa aabihii cayaaryahan Jimcaale kaasoo mararka qaar ku hadaaqi jiray “Ha jabin lugta ka go’e” iyo waliba cayaartoyda kooxda oo aad isugu xirnaa.
Cayaaraha: ka waran dhinaca aqoonta macalimiintii Jeenyo ma la oran karaa guulaha qayb ayey ku lahaayeen?
Maxamed: Haa qayb wayn ayey ku lahaayeen guulihii kooxda Jeenyo inkastoo aniga Maxamed ahaan uu ilaahay ha u naxariistee macalin Axmed Neegaro kaliya ii noqday macalin hadana macalimiintii kale ee kooxda soo maray waxaa ku jiray kuwa aqoon aad u saraysa leh sida macalin Cumar Canjeesto oo kale.
Cayaaraha: Ma axsuusan kartaa cayaartii kuugu farxadda badnayd intii aad ku jirtay cayaaraha iyo waliba tii kuugu xumaydba?
Maxamed: Cayaartii iigu farxadda badnayd waxaan uga hornimid kooxdii aan rivals ka ahayn ama sida aadka ah isaga soo horjeednay ee Horseed sanadkii 1976 kii taasoo ka tirsanayd koobkii Horyaalka isla markaana uu baabuur Bus ah na dhex dhigay boqorkii dalka Imaaraadka Carabta taasoo aan 4-3 ku suuldaarnay kooxdii Horseed.
Dhinaca cayaartii iigu xumayd ee aan xasuusto waxa ay ahayd cayaar aan kooxda Batroolka barbardhac 2-2 ah isku dhaafi waynay sanadkii 1979 kii taasoo aan ku dhaawacmay.
Cayaaraha: Cayaartoydii aad sida aadka jaanta iskula heli jirteen yaad nooga sheegi kartaa Jeenyo iyo qarankaba?
Maxamed: Inkastoo aanan halkan ku soo koobi Karin waxaan ka xusi karaa Yuusuf Shaqaaq, C/Shakuur Jeenyo, Bashiir Jeenyo, Cantar, Maxamed Ismaaciil iyo Jimcaale Xaayow ilaahay ha u naxariistee.
Maxamed X "Labaad bidix istaaga" oo ka dhexmuuqda Xulkii qaranaka Soomaaliya .
Cayaaraha: Dhinaca xulka qaranka sanadkee laguu magacaabay cayaartii kuugu horeysay ee dalka dibadiisana dalkee ayaad u tagtay?
Maxamed: Waxaan ku biiray xulka qaranka sanadkii 1977 kii anigoo ka mid ahaa ilaa 1985 kii waxaana u tagay cayaartaydii ugu horeysay dalka Masar magaaladiisa Qaahira anigoo ka dibna dalal fara badan oo ka tirsan Afrika iyo Aasiyaba u tagay cayaaro kuwaasoo aan ka xusi karo Kenya, Uganda, Malawi, Sacuudiga, Cumaan iyo kuwa kale.
Cayaaraha: Muddo ayaad dalka dibadda uga maqnayd waxaase dadkii cayaaraha daawan jiray aad ula yaabeen markii aad dalka ku soo laabatay in aad cayaarihii kooxda horey uga safatay ayadoo aan lagaa dareemin wax isbadal ah taas maxaa ugu wacnaa?
Maxamed: Waa su’aal fiican horeyna ay dad badan ii waydiiyeen jawaabta kaliya oo aan u hayana waxaan isleeyahay waxay tahay jirkayga oo dabiiciyan diyaar isaga ahaa iyo waliba aniga oo tababar joogta ah qaadan jiray xataa markii aan dalka ka maqnaa.
Cayaaraha: Maxaad ka axsuusataa cayaarihii kuugu fiicnaa ee aad kooxda u safatay markii aad dalka ku soo laabatay?
Maxamed: Markii aan dalka dib ugu soo laabtay sanadkii 1983 kii ayaa waxaan cayaar isaga hornimd kooxdii Badda, xiligaasna kooxdu “Jeenyo” cayaar kasta guul ayey la hoyan jirtay, marka waxaa dhacday in 2 gool ay nooga naxsadaan kooxdii badda anigoo markaasna ay madaxayga ka yeerayso haddii nalaka badiyo maanta eedda ugu badan dhinacayga ayey ka imaan doontaa, markii ay cayaarta ka harsanayd 15 daqiiqo ayaan kooxda u dhaliyey goolkii ugu horeeyey ayadoo ka dibna uu cayaaryahan Turunbo goolkii labaad ee barbardhaca noo dhaliyey halka cayaarta oo gabagabo ahna aan fursad fiican u salaxay saaxiibkay Yuusuf Shaqaaq kaasoo shabaqa Badda ku hubsaday goolkii guusha, habeenkaas ayaana ii ahaa mid farxad badan igu reebay.
Cayaaraha: Markii aad cayaaraha ka fariisatay ma shaqo kale ayaad gashay mase dhinaca tababarka ayaad u awreegtay?
Maxamed: Sanadkii 1985 kii ayaan waxaan ka qaybgalay tababar kubadda cagta ahaa oo ay soo qabanqaabisay hay’addii la oran jiray GTZ mashruuceedii football academy oo aah mid aad u sareeya looguna tala galay horumarinta dhalinyarada waxaanan ka galay kaalin fiican. Ka dib sanadkii 1988 kii waxaan macalin u noqday xulkii gobolka Shabeelaha Hoose, ka dib waxaa la ii magacaabay macalinka kooxda da’yarta Jeenyo isla sanadkaas halkaasoo ay cayaartoydaydii sideed ka mid ah ay u gudbeen heerka koowaad. Sanadkii 1989 kii waxaa la ii magacaabay macalinka labaad ee kooxda heerka koowaad anigoo la shaqeeyey macalinkii ugu horeeyey ee igu dara xulka qaranka alaha naxariistii jano ha siiyee Axmed Negaro.

Sawirka: Maxamed X "bidix istaag" iyo Bakin midig oo la taagan dhalintii Toronto.
Cayaaraha: Dalkii waa laga soo kala yaacay cayaartoydii horena midba meel ayuu ka baxay adiga Maxamed ahaan ma ka baxday cayaaraha gabi ahaanba mise wali waad ku dhexjirtaa?
Maxamed: Marka ugu horeysa dalkii waa burburay waxaanan muddo ku noolaa dalkan aniga iyo qoyskayguba waxaan muddo laba sanadood ka badan tababare u ahaa caruur soomaaliyeed si aan uga badbaadino waxyaabaha ama dhaqamada xun xun ee dalalkan loogu yimaado waxaan sidoo kale talooyin iyo guubaababa kala qaybgalaa bahwaynta cayaaraha reer Toronto oo runtii igu qiimeeya booskii aan dhexdooda ku lahaa.
Cayaaraha: Bahda cayaaraha ee dibadda iyo gudahaba waxaa ka dhex jira muran ku saabsan ciddii maamuli lahayd cayaaraha dalka iyo sidii loo maarayn lahaa xulalka qaranka adiga waa side fikradaada ku aadan arimahaasi?
Maxamed: Anigu Maxamed ahaan waxaan qabaa in Sport gu uusan qori la saaro ma ahane mid la qaado lahayn taasoo aan ula jeedo in ay kaalmo u baahan yihiin dadka gacanta ku haya maamulada kala gedisan isla markaana lagula xisaabtamo. Dhinaca kale haddii aan nahay cayaartoydii hore ee dalka waan jecelnahay horumarka cayaaraha dalka laakiin waa in talada nala ka qaybgaliyaa isla markaana nalaku xushmeeyaa si aan ugu biirino taladeena iyo waayaaragnimadeenaba.
Cayaaraha: Ugu dambayntii yaad jeceshahay in aad halkan ka salaanto?
Maxamed: Waxaan marka hore salaamayaa xaaskayga iyo caruurtayda, dhamaan cayaartoydii soomaaliyeed, kuwii kooxdii Jeenyo iyo xulkii qaranka waxaa kale oo aan si gooni u salaamayaa dadkii igu dhiirigeliyey cayaartan kubadda cagta oo aan ka xusi karo Cumar Hariise, Shariif Sakiin, Gurmad C/Qaadir Shariif, Cali Shaambow, Dheemanka Madow (Marka) iyo macalin Geella. Waxaan kaloo jeclahay in aan halkan ka salaamo taageerayashii kooxdii Jeenyo iyo kuwaygii khaaska ahaaba.
Akhristayaal markii aan xiddigan la yeelanay waraysiga ka dib ayaa waxaa alaha naxariistii jano ha geeyee ku geeriyooday magaalada London guddoomiyihii hore ee naadiga Jeenyo Nuur Xuseen “nuur Jeenyo” anagoo ka dibna la xariirnay Maxamed Xaaji waxna ka waydiinay aqoontii uu u lahaa aabo Nuur iyo waliba dareenkiisa shakhsiba waxa uuna noo soo qoray maqaalkan hoose.

Sawirka sare: Nuur Jeenyo AUN oo ka hadlaya tartankii Sweden 2007
“Marka ugu horeysa waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan eheladii uu ka tagay aabo Nuur iyo cayaartoydii kooxdii Jeenyo intaasi ka bacdi Nuur Xuseen kuma dhamayn karo kumana soo koobi karo qoraalkan yar balse waxa uu ahaa aabaha sport ga soomaaliyeed umana kala soocnayn cayaartoyda soomaaliyeed Jeenyo ama koox kaleba. Nuur Xuseen noloshiisa inta badan waxaa uu galiyay horumarinta sport ga , waxa aad garankartaa sida naadigaas baaxadda wayn ee Jeenyo oo leh noocyo sport oo kala duwan uu hormuud ugu ahaa gaarsiiyeyna horumar aysan gaarin naadiyadii kale ee dalka.
Nuur Xuseen ma uusan ahayn ciyaaryahan lakiin jacaylka sportiga waa uu dhashay, waxaan ka maqli jiray Nuur Xuseen alaha u naxariistee Jeenyo waa loodhashaa ee layskama dhigi karo, waa uu guul jeclaa guudaradana dulqaad buu u lahaa si dhaqso ahna waa uu uga kabsanjiray, aad ayuu ujeclaa ciyaaryahanka heshiiska la ah shabaqa kooxda ka soohorjeeda waligii ma uusan arkin gool kooxda jeenyo ka dhashay marka kubadda mareeysa meel qatar ah waa uu kajeensan jiray, ama indhaha ayuu isku qabsan jiray, marka kooxdu ay gool dhaliso maxaa uu dardari jiray dadka dawanayo ciyaarta farxad darted asagoo shabaqa garoonka ku wareegsan jiray illa uu gaaro ciyayahankii goolka dhaliyay dawashada ciyaraha waa uu jecla ha noqdaan Bacaadada waxa uu kumagacdheeraa Moratti asagoo loogu magacdaray gudomiyahii kooxda Inter ee dalka Talyaaniga.

Sawirka Bidix: AUN Nuur Jeenyo, M Xaaji, Daysane iyo Yaxye Islow
Nuur Xuseen aaxa uu wax kala qeybsanjiray kooda dheefta iyo dhibaatada labadaba, mar kooxda dhamaantood la xiray waxa uu diyaar u nuqday in xabsiga uu lagalo, markale 1993 laba dhibcood ay Jeeno lahayd oo la duudsiiyay gudoomiyaha waxaa uu diiday kooxda in ciyaaraha u haray ay dhameeystirto dhamman mamulka naadiga waxaa lagu eedeeyay kacaan diid burburin sport iyo wax la mid ah.
Guddoomiye Nuur Xuseen waxa uu xiriir fiican la lahaa taageerayaasha kooxda oo ay ka mid ahayeen kuwa ciyaarta doorbiin ku fiirsanaaya cabsi darted, qaar xafadahooda ka dhuma, qaar gacantooda jeeso saaran oo dhawac ah marwalba sida G/kuxigeenka
nadiga oo ahaa Gudomiyahayga Dugsiga sare Xisabaadka iyo Cabiraada Xuseen Diiriye oo aha nin aad u qiiro badan oo caradiisa ciyaartooyda aan marna dareemayn lakiin inta ciyaarta socoto ma maqli karo qof kutilmamaya kooxda ama ciyaryahanka meel kadhac.
Gudoomiyaha naadiga doorasho tartan ah ayaa lagu dooran jiray Nadiga waxaa uu lahaa maamul adag oo nidaam leh taasoo kuu xaqiijinaysa in aabe Nuur uu ahaa ruux ay kooxda oo dhami diyaar u ahayd in uu hogaamiyo, aad ayuu ugu roona ciyartooyda siiba xaasleeyda madama labo shaqo ay isku hayaan, xiliga ciyaartooyda nadiga ama qaranka loo xareeysanyahay kama maqnaan jirin habeena mana imaan jirin isagoon gacmaha wax ku wadin, ciyaartooyda Qaranka uma kala soocnaan jirin aabe Nuur alaha u naxariistee.
Waxaan hadalkaygii ku soo gunaanadayaa in ay aad iyo aad u adkaan doonto cid buuxisa booskii uu baneeyey aabihii sport ga soomaaliyeed Nuur Xuseen waxaanan ilaahay uga baryayaa in uu janadii ka waraabiyo eheladiisiina uu samir iyo iimaan ka siiyo”.
Halkan ka daawo Jeenyo "LLPP in pictures"
Yuusuf Shaqaaq "one 2 one"
Saciid Qorsheel "one 2 one"
Xusuusta taageerayaasha (Comments)