|    Register
 
Thursday, August 28, 2008
Article Details
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun

Tifatiraha shabakaddan Cayaaraha Maxamuud Ismaaciil asagoo ku hadlaaya magaca shabakaddan waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan qoyska reer Xaraare oo alaha naxariistii jano ahayd ka waraabiyee uu aabahood Xaraare Xasan maanta ku geeriyooday magaalada Xamar.

Sidoo kale dhamaan bahwaynta cayaaraha ee magaaladan London, bahwayntii dagmadii Hawl-Wadaag ee magaalada Muqdishu kuna nool dalkan Ingiriiska oo ay magacyadoodu hoos ku xusan yihiin waxa ay tacsi taas la mid ah u dirayaan dhamaan qoyska rer Xaraare gaar ahaan Aways Xaraare geeridan naxdinta leh ee ku timid aabe Xaraare Xasan, waxay ilaahay uga baryayaan in uu janadii fardawsa ahayd ka waraabiyo dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna smir iyo iimaan ka siiyo.

Waxaa tacsidan diraya odayaasha ay ka midka yihiin, Abuukar Awbaaleey, Ganay Gaajo, Mahdi eelaay, Daysane, C/casiis Eenow, Bashiir Gureey, C/Qaadir Shiddo, Hilaal Muse iyo dhamaan akhyaarta kale ee aan halkan lagu soo koobi karin.

Fadlan ku soo hagaaji tacsiyadaada emailkan. cayaaraha@yahoo.co.uk ama emailka Aways Xaraare ee ah aweis23@hotmail.com


Written By: Mohamud
Date Posted: 11/5/2007
Number of Views: 471

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use