Saciid Qorsheel waxa uu ka mid ahaa cayaartoydii heerka aad u sareeya ka gaaray kubadda kolayga dalkeena wuxuuna sidoo kale heerar kala gedisan ka gaaray maamulka kubadda kolayga iyo cayaaraha dalkeena.
Saciid Qorsheel waxa uu dalkeeni hooyo ka soo baxay sanadkii 1991 kii asagoo markaasina tagay dalka Canada halkaas oo uu ku noolyahay waana xaas leh 8 caruur ah ilaahay ha u xafidee.
Waxaan nasiib u yeeshay in aan halyeygan kula kulmo hoyga uu ka degan yahay magaalada Toronto ee dalka Canada anigoo halkaasi kula yeeshay waraysi dheer kaa soo u dhacay sidatan.
Cayaaraha: Marka ugu horeysa Saciid waxaan kaga mahadcelinaynaa fursadan aad na siisay iyo martiqaadkaagan marka xiga xiligee ayaad bilowday cayaarta kubadda kolayaga?
Qorsheel: Aad ayaan idinkaga mahadcelinayaa idinkana waraysigan iyo shaqada baaxadda leh ee aad bahwaynta cayaaraha u haysaan, markaan u soo laabto su’aasha waxaan cayaarta kubadda kolayga bilaabay anigoo da’yar waxaanse tartamada ku soo biiray sanadkii 1971 kii oo aan u saftay kooxdii Jeenyo.

Sawirka sare: Saciid Qorsheel iyo Maxamuud Ismaaciil)
Cayaaraha: Kooxdii Jeenyo oo aad ka midka ahayd waxay ahayd koox aad u guulo badnayd aadna caan uga ahayd dalka ayadoo la idinkugu yeeri jiray xiligii aad adigu cayaaraysay shantii Jeenyo, yey ahaayeen shantaasi guulihii aad garteense meeqaay ahaayeen?
Qorsheel: Runtii mudadii aan kooxdaasi ka midka ahaa waxaan gaarnay guulo wax ku ool ah, waxaan ku guulaysanay afar horyaal iyo hal Jenaraal Daauud oo dhamaantood ahaa koobabkii la dhigay oo idil xiligaasi sababta magaca uu noo raacayna waxay ahayd maadaama aan shanteenu garoonka wada geli jirnay isla markaana argagax glin jirnay kooxihii kale waxayna cayaartoydaasi kala ahaayeen aniga Saciid ah, Cabdi Dheere, Gees, Maxamuud Wadaad iyo axmed Xaaji Nuur.
Cayaaraha: Adiga guulahaas kuwa kuu dheer muddooyinkaasi ma jiraan oo aad kooxda la gaartay?
Qorsheel: Mudadii aan kooxda u cyaarayey isla markaana kabtanka u ahaa hal cayaar ah la igama adkaan wadanka gudihiisa taasoo aan oran karo waa guul aad u wayn cyaartoy kastana jecel yahay in uu gaaro.
Cayaaraha: Maxaa ugu wacnaa ayaad is leedahay adigu kooxdiina ama shantii jeenyo guulahaas xiriirka ah?
Qorsheel: Midda ugu horeysa waxay ahayd anagoo si joogt ah u wada cayaari jirnay haddii ay noqoto dhinaca kooxda iyo waliba qaranka oo aan shanteenu hormuud u ahayn, sidoo kale macalinkii la oran jiray Topias oo wax wayn ka badalay qaab cayaareedkeena iyo waliba xero joogta oo ay kooxdu ku jirtay, intaas oo isbiirsatay ayaan isleeyahay sabab bay u ahaayeen guulahaasi.
Cayaaraha: Maadaama ay kooxda joogeen cayaartoy kale side ayey u arki jireen in aad shantiinu mar walba cayaartaan, fursadooduna ay yaraato?
Qorsheel: Runtii taas ulama jeedo cayaartoyda kale ma cayaari jirin gebi ahaanba oo waad garan kartaan waxaan u baahnayn nasiino iyo badal waxaana kooxda nla joogay cayaartoy kale oo aad u heersareeyey runtiina markaan dhibco fiican keeno aan hoos uga dhici jirin inta badan kuwaasoo runtii aad ugu qanacsanaa guusha kooxda waxaanan dhamaanteen ahayn koox is jecel.
Sawirka sare: Saciid oo ka dhex muuqda odayaasha Toronto.
(Bidix Istaag: Xasan Tuke, Mukhtaar Cutti, Maxmuud Ismaaciil, Fadhi bidix: Cabdi Dheere, Qorsheel, Shaqaaq iyo Faarax Oday)
Cayaaraha: Xulka qaranka goorma ayaad asaga ku biirtay?
Qorsheel: Waxaa xulka la ii magacaabay sanadkii ugu horeeyey ee aan kooxda u cayaaro ee 1971 anigoo ahaa kabtanka xulka qaranka ilaa iyo sanadkii 1977 kii. Xulka runtii waxaa ka mid ahaa cayaartoy waayarag ah naguna soo dhaweeyey.
Cayaaraha: Mudadii aad ka tirsanayd xulka qaranka guushii kuugu fiicnayd tee ayey ahayd oo madaxaaga ku reebtay xusuus dheeri ah?
Qorsheel: Waxay ahayd tartankii koobkii dalalka carabta aan uga qaybgalnay dalka Kuwait oo aan galnay kaalinta afaraad taasoo xanaaqii ay ka qaadeen dalalka carbeed darteed ay gaareen in ay wargaysyada nagu caayaan. Waxaa kale oo xasuus mudan safrkii aan ku tagnay dalka China oo aan kula cayaarnay sideed gobo loo dalkaasi ka mid ah anagoo saddex ka mid ah ka adkaanay halka shantii kalena naga badiyeen waxayse aad ula yaabeen farsamadeena iyo dalka aan ka nimid oo aad u kala sareeyey.
Cayaaraha: Markii aad cayaaraha ka fadhiisatay waxaad dalka uga baxday dibadda adigoo ka dibna dib ugu soo laabtay bal wax yar nooga taabo soo labahadaadii ka dib?
Qorsheel: Markii aan dalka ku soo laabtay waxan tababare u noqday kooxda Jeenyo sanadkii 1980 anigoo muddo yar ka dibna la ii doortay guddoomiyaha kubadda kolayga ee naadiga Jeenyo isla markaana ah guddoomiyaha guddiga farsamada naadiga Jeenyo.
Sawirka sare: Saciid Qorsheel iyo Cali Gureey (Ex. Horseed)
Cayaaraha: Maxaa is badal ah oo ay kooxdu samayasay mudadii aad a midka ahayd maamulka kooxda?
Qorsheel: mudadii aan ka midka ahaa maamulka kooxda Jeenyo waxay koxdu ku guulaysatay afar Horyaal iyo 1 Jen Daauud waxaase xusid mudan in kooxda Jeenyo ay hal usbuuc gudihiis ku guulaysteen horyaalka kubadda Kolayga wiilal iyo gbdho iyo waliba koobka Jeneral Daauud oo ay ku guulaysatay kooxdii kubadda cagta.
Cayaaraha: Kooxda Jeenyo sida aan waraysiganba ka dareemi karno waxay ahayd koox aad u guulo badan maxaa ugu wacnaa oo ay uga duwanaayen kooxaha kale?
Qorsheel: Run ahaantii kooxda Jeenyo waxay marka ugu horeysa lahayd hogaan aad u fiicnaa uuna hormuud u ahaa Nuur Xuseen (Jeenyo), sidoo kale kooxda Jeenyo waxay lahayd taageerayaal aad u firfircoon lagana qaybgelin jiray talada kooxda iyo horumarinteedaba waxaase fure u ahaa tababarihii Topias iyo kuwii ka dambeeyey oo uu ka midka ahaa Duraan kuwaasoo ka dibna ay cayaartoydii sii kala dhaxleen tababarkaasi wanaagsan.
Cayaaraha: Ka dib sidaan maqlay waxaad ka mid noqotay maamulkii wasaaraddii sport ga dalka arimahaasi maxaa ka jira ayaga?
La soco qaybta dambe inshaa alah .........
LLPP - Basketball Site
Waraysigii Dr Shaqaaq