|    Register
 
Thursday, August 28, 2008
Article Details
Cayaaraha v Dr Yusuf Shaqaaq (One 2 One) "Waraysi xiisa badan"

Dr.Yuusuf Maxamed Maxamuud oo bulshada cayaarha jecel ee soomaaliyeed ay u yaqaanaan Yuusuf shaqaaq waxa uu ku dhashay kuna barbaary Magaalada Mogadishu, waxa uu waxbarashadiisii ilaa heer jaamacadeed ku soo dhamaystay isla magaalada Mogadishu asagoo heerar kala gedisan aadna u sareeya ka gaaray kubadda cagta dalkeena.

Waxaan nasiib u yeeshay in aan kula kulmo Dr Shaqaaq isla markaana waraysi gaaban kula yesho Magaalada Toronto ee dalka Canada oo uu ku noolaa tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka dhacay dalkeena halkaasoo uu hormood ka yahay dadka lagu xushmeeyo kubadda cagta isla markaana ka odayeeya horumarinta dhalinta yaryar. Waraysigeeniina waxa uu u dhacay sidatan

Cayaaraha: Dr Yuusuf Shaqaaq waxaan muddo badan kaa daawanayey groomada kubadda cagta dalka walina waxaad u muuqataa nin cayaari kara oo da’ yar waxaan marka is leeyahay waxaad bilowday cayaarta adigoo aad u da’yar?

Dr. Shaqaaq: Qosol yar ka dib mrka hore waad ku mahadsan tahay booqashadaada iyo waraysigaba marka labaad waa runtaa oo waxaan kubadda bilaabay anigoo aad u da’ yar isla markaana ah arday dhigta dugsiga sare.

Cayaaraha: Goorma ayaad ku biirtay kooxda Jeenyo iyo qarankaba maxaadse kala kulantay cayaartoydii kaaga horeysay kooxdaasi maadaama aad aad u da’ yarayd?

Dr. Shaqaaq: Kooxda Jeenyo oo aan ku biiray sanadkii 1975 kii waxaa u cayaari jiray cayaartoy aad magac ugu lahaa dalka kuwaasoo runtii aad u jeclaa cayaartoyda yaryar ee kooxda ku soo biira runtiina waxaan kala kulmay oon soo dhawayn iyo talooyin fiican ahayn ma jirin. Xulka qaranka soomaaliyeed waxaa isagana la ii magacaabay sanadkii 1976 kii kaasoo aan ku jiray ilaa iyo 1984 kii.

Cayaaraha: Xulka qaranka oo aad muddo aad u dheer ka mid ahayd ma keenin guulo aad loogu faani karo marka maxaa ugu wacnaa ayaad is leedahay?

Dr. Shaqaaq: Run ahaantii inkastoo ay dalka joogeen cayaartoy aad u heer sareeyay hadana dalkeenu ma haysan macalimiin aqoon fiican oo ay kula tartamaan kuwa dalalka deriska nala ah leh iyo waliba ayadoo aysan jirin macluumaad dheeri ah oo ay wasaaraddu ugu tala gashay sare u qaadida awoodda xulka qaranka, ayadoo ay waxaasoo oo dhami jiraan hadana waxay xulka qaranka kubadda cagtu soo hooyeen guulo.

Cayaaraha: Ka dib markii aad ka fariisatay cayaarta waxaad ka mid noqotay macalimiintii naadiyada, sidee ku bilowday macalinimada?, imisa kooxood ayaad laylisay?, maxaa guulo ah oodse gaartay?.

Dr Shaqaaq: Waxaan markii ugu horeysay si wadajir ah ula waday macalin Tuke xulkii gobolka Banaadir oo aad ka warhaysay adigu ( Waxaan anigu wariyaha ah ka mid ahaa cayaartoydii cayaaraysay cayaarihii Degmooyinka Gobolka Banaadir oo laga xulay xulkaasi gobolka) sanadkii 1986 kii , intaasi ka dib waxaan tababar macalinimo u aaday dalka Talyaaniga anigoo markii aan soo laabtayna si kumeel gaar ah macalin ugu noqday kooxdii Muqdisho (Baaldi) muddo hal sano ah anigoo ku guulaystay Horyaal, ka dib waxaan macalin u noqday kooxdii Gaadiidka halkaasoo aan sanadkii ugu horeeyey ku guulaysanay koobka kooxaha heerka labaad (Serie B), sanadkii xigayna aan ku guulaysanay koobkii Jeneral daauud ee kooxaha heerka koowaad.

nura2 190.jpg

Sawirka sare: Dr Shaqaaq oo ka dhexmuuqda odayaasha reer Toronto cayaar Final ah.

Cayaaraha: Dr Shaqaaq waxaad ka mid tahay cayaartoyda tirada yar ee kubadda cagta oo aqoontoodu heer jaamacadeed gaarsiisan tahay, kubadda cagtana waxaa lagu xantaa in ay cayaaraan dad aan aqoon lahayn maxaa ugu wacnaa ayaad is leedahay marka aad barbardhigto tan Kolayga?

Dr Shaqaaq: Runtii kubadda cagtu waxay ahayd meherad ama shaqo (Professional) taasoo cayaartoyda kubadda cagta ay aad ugu adkayd in ay ku wadaan waxbarashada, marka labaad cayaartoyda kubadda cagtu aad ayey uga caansanaayeen kuwa kubadda kolayga (Publicity) taasoo ayaduna ahayd qodob kale oo cayaartoyda kubadda cagta ka jeedinayey waxbarashada .

Cayaaraha: Tan iyo markii uu dalkii hooyo burburku ka dhacay waxaad ku noolayd dalkan Canada, marka xiriir ma la samaysay odayaasha hogaamiya cayaaraha dalka gaar ahaan GOS?

Dr Shaqaaq: Maya wax xiriir ah runtii lama samayn mana lihin hadana taas macnaheedu ma ahan waxaan ka soo horjeedaa waxqabadkooda waan ku taaageerayaa cid kasta oo u taagan in ay wax u qabato bulshada. Sportiguna waa ka nadiif qabiilaysiga, qofjeclaysiga, wlaalaysiga iyo waxii la midka ah, sidaa darteedna waa in lagu taageeraa shaqsiyaadka u taagan horumarinta cayaaraha dalka.

Cayaaraha: Waxaa sanadihii ugu dambeeyey dalalka dibadda laga wadayey sidaad maqashayba cayaartoy kaalmaysa kuwa gudaha oo isugu jira kubadda cagta iyo kolaygaba maxay tahay fikradaada ku aadan arimahaas maxaadse talo ahaan u soo jeedin lahayd?

Dr Shaqaaq: Waan la soconay waana talaabo horumar leh waxaase loo baahan tahay in talooyinka la badiyo isla markaana dadka aqoonta u leh fikradahooda lagu biiriyo aniga talo ahaan waxaan u soo jeedin lahaa qodobo dhawr ah.

  • Marka ugu horeysa aqoonta macalimiinta dalka waa in sare loo qaadaa ayadoo laga faaiidaysanayo fursadaha la haysto isla markaana loogu gaynayo gudaha dalka.
  • Sidoo kale waa in laga faaiidaystaa macalimiinta da’da yar ama waawayn oo ayaguna ku dhaqan dalalka dibadda.
  • In la sameeyo qorshe dheer oo lagula xisaabtamo dadka loo dhiibo in ay maamulaan qorshahaasi.
  • Waa in la helaa waqti ku filan cayaartoyda iyo macaliminta qaranka ee dibadda iyo gudaha si ay iskula joogaan iskuna bartaan, si dheelitirana loo sameeyaa xulitaanka cayaartoyda si aysan kuwa gudaha dalka jooga aysan u niyad jabin.
  • Iyo ugu dambayntii in la abuuro jawi isfaham oo dhexmara maamul, cayaartoy, macalimiin iyo bulshada kale ee jecel horumarka cayaaraha dalka.

Cayaaraha: Markaan dib ugu laabto xiligaagii cyaaraha ee waayo waayo cayaartee ayey ahayd cayaartii kuugu xiisaha badnayd ee aad cayaartid mudadii aad cayaaraysay?

Dr Shaqaaq: Waxay ahayd cayaar aan uga hortagnay kooxdii Horseed oo aan aad u xifaaltami jirnay iskuna kululaysan jirnay cayaartaas oo aan 4-3 uga adkaanay kooxda Horseed.

Cayaaraha: Ka waran ayada tii kuugu kulaylka iyo carada badnayd mudadii aad ku dhex jirtay cayaaraha.

Dr. Shaqaaq: Waxaya ahayd cayaar Final ahayd oo aan sanadkii 1983 kii uga hortagnay kooxdii Madbacadda taasoo ay nooga adkaadeen kobkiina nooga qaadeen.

yumax.jpg

Sawirka sare: Yuusuf Shaqaaq, Maxamuud Ismaaciil iyo Maxamed Xaaji

Cayaaraha: Dhinca cayaartoydii aad jeclayd in ay garbahaaga buuxiyaan wax ma nooga sheegi kartaa ayaga xaga kooxda iyo qarankaba?

Dr. Shaqaaq: Runtii gooni cayaartoy aan u jeclaa in ay maalin walba garbahayga joogan ma jirin oo kooxda oo dhan guul iyo guul daraba waan isla qaybsn jirnay hadna waxaa jiray cayaartoy uu saaxiibkaygan hadda i garab fadhiya ee Maxmed Xaaji "Uureey" ka mid haa oo aan jaanta si fiican iskula heli jirnay kuwaasoo aanan halkan ku wada xusi Karin dhinaca qarankana waa saas oo kale.

Cayaaraha: Alaha naxariistii jano ha siiyee guddoomiyihii hore ee kooxdii Jeenyo Nuur Xuseen (Nuur Jeenyo) maxaad ku xasuusataa adigu Shaqaaq ahaan? Su'aashan waxaan Dr Shaqaaq ku waydiiyey khadka ta;leefanka maadaama aan waraysigan qaadnay ka hor geerida aabe Nuur.

P1000060[1].JPG

Sawirka Sare: Guddoomiyaha GOS mudane Abkow oo hadiyad guddoonsiinaya Nuur Jeenyo alaha u naxariistee bishii July 2007.

Dr. Shaqaaq: Waxaan marka hore halkan jeclahay in aan tacsi uga diro dhamaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday aabihii Jeenyo, sidoo kale waxaan tacsi taas la mid ah u dirayaa dhamaan cayaartoydii, macalimiintii iyo taageerayaashi kooxdii Jeenyo, marka labaad waxaan ku xasuustaa Nuur Jeenyo naxariis, dulqaad, diblomaasinimo, aragti dheer iyo ka hormarin dantiisa tan cayaartoyda kooxda.

Cayaaraha: Maxaad kula talin lahayd maamulada cayaaraha ee dalka iyo waliba cayaartoydii iyo macalimiintii hore ee dalka si loo helo dhalinyaro boorka ka jafta xulalka qaranka?

Dr. Shaqaaq: Waxa ugu horeysa ee loo baahan yahay waa in la sameeyo forum looga doodo habka ugu haboon ee loo maarayn karo horumarkan la wada raadinayo, cid walbana ay ka soo baxdo godka ay ku jirto oo la qabto kulamo marba meel lagu qabto una gooni ah bahwayntii cayaaraha aqoonta u lahayd iyo kuwa cusub oo ayaguna aqoonta u leh sidaas ayaa xal wanaagsan lagu gaari doonaa.

Cayaaraha: Yaad ugu dambayntii jeceshahay in aan halkan ka salaanto

Dr. Shaqaaq: Marka ugu horeysa waxaan halkan ka salaamayaa xaaskayga iyo caruurtayda, marka xiga waxaan salaamayaa dhamaan cayaartoydii kooxdii Jeenyo iyo konini kale ee dalka weaning halkan si khaas ah uga salaamayaa dhamaan taageerayaashaydii dalka.

Ka daawo halkan kooxda LLPP

Xuuustii taageerayaasha (Comments)

10/21/2007 6:51:38 AM

ilaahay ayaa nahadlleh marka xigta waxaan ku noolahay dalka marekanka runtii shaqaaq waa ciyaar yahan aad u fir fir caan aadna loo jacel yahay runtii anigaba oo ah naasir aad ayaan u jaclahay ciyaartiisa koox ahaan uu u ciyaari jiray shaqaaq aad ayaan u taageeri jiray bahda isbortiga jacel waan salamayaa dhamaan yar iyo weynba. 

Omar Says:
10/26/2007 3:19:04 PM

Waxa aan ka mid ahaa taageerayaashii naadiga Jeenyo(LLPP)ee waqtigooda qaaliga ah u huri jirey si ay u tagaan meelkast oo Jeenyo ay ka ciyaareyso, sida kubada Cagta iyo Koleyga. Dr yusuf Shaqaaq wax a uu ka mid ahaa ciyaartoyda fara kuriska ahayd ee soo martey dalkeenii Somaaliya ee sida hagar la,aanta ah ugu ciyaari jirey Jeenyo iyo xulka qarankaba. Cayaartii aan sida gaarka ah aan ugu xussuusto Shaqaaq waxa ay ahayd ciyaar dhex martay xulalka junyeerka Somaliya-Kenya oo shaqaaq ka dhaliyay gool aad u qurax badan oo ku dhamaatey 1-1, laakiin dhamaadkii tartankaas ay xulka junyeerka dalkeena ku hantiyeen koobka Barga iyo Bartamaha Africa. (Dr Shaqaaq he is legend).
 
10/17/2007 5:03:05 PM

WAXAA HALKAAN KA SALAAMAYAA SOO DIYAARIYAHA WAREYSIGII LAACIBKII-WADNAHA-HALBOWLAHA-QARANKA SOMALIYEED

YUSUF-SHAQAAQ RUNYII AAD BAAN U XASUUSTAA LAACIBKAAS IYO KUWO KALE OO EEY KA MIDYIHIIN UUREEY-BAROW-MAXAMUUD-XAMSA-BAASI IYO LAACIBIIN BADAN OONAN HALKAAN KU SOO GOOBIKARIN.

WAXAAN AHEEY TAAGEERAYAASHII AADKA ULA SOCDEY CAYAARIHII JENYO WAXAAN DHIHIKARAA WAAN DAAWADEY 100% LAGA SOOBILAABO 1983 WAXAA IIGU FARXAD BADNEYD MARKII JEENO EEY KA BADISEY NAADIGA WAGED 1983 CAYAARTII UGU DANBEYSEY EE U QAADILAHEY GOOBKII UGU YAABKA BADANAA EE ABID AANA KADHICIN SOMALIYA KAAS OOY KU HANA LAHEYD GUULDARO LAAN.
WAXAANA IIGU NAXDIN BADNEYD MARKII LAYIRI WAA LAGA QAADEY DHIBCIIHII JENYO OO WAA LA SIIDAAYEY WAA INEY SAFATAA CIYAAR SEMIFINAAL WAXAANA AAMINSAANAA IN MUSUQMAASUQ LOOGA QAATEY JENYO KOOBKAAS OO WALI XATAA LOOGU SII DAREY INUU CAAWIYO NADIGA MADBACADA GARSOORIHII DAAGERIJIREY MADBACADA OO LOOYAQAANO
XASSAN-GARE.
 
WAAYAHEY AQYAARTA WAAN KU DHEERAADEY QORAALKEYGA RAALI IGA NOQDA INTAAS IYO INKABADAN AYAAN HAYAA LAAKIIN WAQTIGA AYAANAN IMA SAAMAXEYNIN . NABADGELYO DHAMAANTIINBA

10/11/2007 7:17:53 PM

Samigeey yusuf shaqaaq ayaan aad u xusuutaa waxaa u ahaa cayaaryahan waayo arag ah isagoo kalena kubada waa ku yaraa waxaan u maleynaa in uu ku danbeeyo carigaa iyo north west territory ama canada ninba suu u yaqaano waxaanna leeyahay illaah ha kuugu amaansado meeshaad joogtaba......

Maxaad a xasuusataa Dr Shaqaaq? Noogu soo dir cayaaraha@yahoo.co.uk

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 10/4/2007
Number of Views: 2258

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use