Cayaartan oo si aad ah looga sugayey dalkan ingiriiska dadka cayaaraha ka faaloodana ay ka bixiyeen aragtiyo iyo saadaalo kala duwan ka hor cayaartan maadaama uu macalin cusub hogaaminayey maalintii shalayto ahayd ayaan laga dareemin cayaartoyda kooxda wax is badal ah ayna ula qaybsadeen cayaarta kooxda Man U inkastoo cayaaryahanka khadka dhexe uga cayaara ee Mikel laga saaray cayaarta.
Kooxda Manchester ayaa goolkii koowaad heshay dhamaadkii qaybtii hore ee cayaarta kaasoo uu u saxiixay markii ugu horeysay tan iyo markii uu kooxdan u yimid xiddiga reer Argentine Carlos Teves.
Goolkii labaad ee ay Manchester ku xaqiijisay guushan ayaa ahaa rigoore lagu galay cayaaryahan Luis Saha inkastoo ay reer chelsea ku doodeen in Saha is tuuray, kaasoo uu isla cayaaryahankaasi Saha si fudud u daba marsiiyey goolhayaha kooxda Chelsea Peter Cech.
Ka tegitaanka uu kooxda Chelsea ka tagay macalin Mourinho oo asagu ahaa nin si aad ah looga jeclaa loogana necbaa garoomada dalkan Ingiriiska ayaa waxa ay reebtay dood fara badan oo u dhaxaysa bahda cayaaraha dalkan ayadoo si aad ah loo hadal hayo sida dadka taajiriinta ah ee uu ka mid yahay Apramovich ka Chelsea ay ugu amarkutaagleeyaan kooxaha iyo waliba awooda macalimiinta.
Si kastaba ha ahaatee macalinka cusub ee Chelsea Avram Grant oo ah nin aad uga degan Mourinho iyo kooxda Chelsea ayaa laga sugayaa sidii ay foodsaari lahayeen inta hartay horyaalkan ayadoo hadana la bilabay in laga sii faaloodo cayaarta xiga.
Dhinaca kale waxaa sabtidii iyo axaddiiba la cayaaray dhamaan cayarihii kale ee horyaalkan ayadoo ay kooxuhu u kala adkaadeen sidan hoose:
Axad: 23/09/2007
Man U 2-0 Chelsea
Aston Villa 2-0 Everton
Blackburn 0-1 Portsmouth
Bolton 1-1 Tottenham
Newcastle 3-1 West Ham
Sabti: 22/09/2007
Arsenal 5-0 Derby
Fulham 3-3 Man City
Liverpool 0-0 Birmingham
Middlesbrough 2-2 Sunderland
Reading 2-1 Wigan