|    Register
 
Thursday, August 28, 2008
Article Details
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun

Tifatiraha shabakadda cayaaraha.com asagoo ku hadlaaya magaciisa iyo kan wariyayaasha shabakadda waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa saaxiibkiis C/Casiis Cali Diiriye (Dabagure) oo ka tirsanaan jiray kooxdii kubadda cagta ee Batroolka oo hooyadiis alaha u naxariistee ay xalay ku geeriyootay magaalada Xamar.

Waxaa ay bahda cayaaruhu sidoo kale tacsi taa la mid ah u dirayaan Maxamed Cali Diiriye iyo dhamaan qoyska reer Cali Diiriye waxayna ilaahay uga baryayaan in uu janadii ka waraabiyo ayagana uu hooyo samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin Alahayow

----------------------------------------------------------------------------------------

Xiddigihii hore ee naadiga Batroolka Mukhtaar Maxamed Axmed, Maxamed Axmed Daysane, Aways Xaaji, C/Xakiin Dheere, Oday, Nuur Etob iyo dhamaan cayaartoydii kooxda Betroolka waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan saaxiibkood C/Casiis CAli Diiriye oo hooyadiis ilaahay janadii ha ka waraabiyee ay xalay ku geeriyootay magaalada Mogdishu, waxayna ilaahay uga baryayaan in uu janadii fardawsa ahayd ka waraabiyo ayagana samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin

------------------------------------------------------------------------------------------

Abdulkadir Mohamed Farah[Biriq], Cabdirahman Guleed Cawaale iyo dhamman cayaartoydii hore ee naadiga batroolka iyo bahweynta sportiga ee london waxay tacsi u dirayaan cayaartoygii hore naadiga wakaaladda badroolka Cabdicasiis[dabagure] oo hooyadiis oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho, ilaahay ha u naxariisto janadii fardowsa haka waraabiyo aamiin aamiin.
-------------------------------------------------------------------------------------------

Innaa Lillaahi Wainnaa Ileyhu Raajiciin   
 
Assalaama Calaukum Waraxmatullahi                                  Toronto 12Sept. 2007
 
Anigoo ah  Eng.Yuusuf Cali ( Yuusuf Dheere ) kuna hadlaya magaca dhalinyaradii hore ee  howlwadaag waxaan tacsi halkan uga dirayaa C/casiis Cali Diiriye iyo Eng. Maxamed Cali Diiriye  oo hooyadood ku geeriyootay magaalada Muqdisho. Waxaan sidoo kale tacsi taa la mida u dirayaa dhammaan ehelada ay marxuumaddu ka geeriyootay ayadana waxaan Ilaah uga baryayaa dambi dhaaf iyo janno, Aamiin. Waxaan nafsaddeyda iyo dhammanteenba u dardaarmayaa inaan la iloobin waalidka abaalkooda iyo sida ay noo soo koriyeen markii aan yareyn oon awaadda yareyn, oo haddii ay nool yihiinna loo naxariisto lagan warhayo haddii tii Alle u timaadana loo duceeeyo .
 
Ilaahow u dambi dhaaf inteenna nool iyo inta dhimatayba
Ilaahow marxuumaddan u dembi dhaaf oo cafi
Ilaahow hoygeeda uga dhig mid sharaf iyo darajo leh
Ilaahow ka kori dhibta iyo imtixaanka qabriga
Ilaahow ka kori cadaabta naarta oo janno sii
Ilaahow annagana gadaasheed iimaanka nagu sug
 
Aamiin.
----------------------------------------------------------------------------------
Anagoo kala ah qaasim axmedgeedi  qaasimay iyo saciid axmed geedi waxaan halkan tacsiuga diraynaa saaxiibkeen cabdicasiis Cali Diiriye geeridii kutimid hooyadiis ilaahay ha u naxariisto intay ka tagnay samir iyo iimaan ilaahay haka siiyo  aamin   
 
----------------------------------------------------------------------------------

Fadlan haddii aad doonaysid in aad tacsi u dirtid noogu soo hagaaji cayaaraha@yahoo.co.uk


Written By: Mohamud
Date Posted: 9/10/2007
Number of Views: 629

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use