|    Register
 
Thursday, August 28, 2008
Article Details
Mowliid Macaane: " Ma jirto hay'ad Sporti oo ka madax banaan wasaaradeeyda".

Mogadishu 24, July 07 ( Sh.M.Network) Wasiirka Sportiga dowladda KMG ah Mowliid Macaane Max'uud ayaa sheegay maanta in aysan jirin hay'ad isboorti oo ka madax banaan wasaaradda Sportiga.

Hadalkaan ayuu wasiirka ka sheegay shir Jaraa'id uu ku qabtey maanta Hotel Ramadaan ee magaalada Muqdisho, isagoo ka dhawaajiyay in sportiga dalka Somalia ay hoos imaan doonaan wasaaraddiisa.

Hadalka Mowliid Nacaane ayaa ka hor imaanaya hadalkii hay'adda ugu sareysa Soprtiga ee FIFA ee ahaa in wasaaradda Soprtiga iyo xiriirada ay kala madax banaan yihiin.

Waxa uu sheegay in guddoomiyaha cusub ee xiriirka Somaliyeed ee ciyaaraha Somalia, Siciid Mugaanbe ay taageersan tahay wasaaraddiisa.

Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmeen xilli shalay Mas'uul ka tirsan xiriirka Somaliyeed ee K/cagta oo la yiraahdo Bashiir Maxamuud Geeseey ay xabsiga u taxaabeen ciidamada dowladda ka dib markii ay kala baxeen gurigiisa.

Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net

Isha warka iyo qoraalkaba: Shabelle Media


Written By: Mohamud
Date Posted: 7/24/2007
Number of Views: 350

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use