Bashiir Max'uud Geeseey oo ka mid ah xubnaha xiriirka Somnaliyeed ee K/cagta ayaa maanta waxaa gurigiisa kala baxay ciidamo ka tirsan dowladda gaar ahaan ciidamada K/xigeenka dhinaca nabadgalyada maamulka gobolka Banadir, C/fitaax Shaaweey oo gurigiisa ku weeraray mas'uulkaasi, sida uu sheegay Fahad Bashiir maxa'uud oo ah wiil uu dhalay Mas'uulkaasi oo shabelle u waramay.
Fahad waxa uu sheegay in aabihii uu xanuunsanaa markii ciidamadaasi ay imaanayeen isla markaana aanu wax shaqo ah ku laheyn arimaha siyaasadda, waayadii dambena uu ku lug lahaa arimaha sportiga.
Laakiin eedeymahaan ayaa waxaa ku gacan seyray K/xigeenka dhinaca maamulka gobolka Banadir C/fitaax Shaaweey oo sheegay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo la iska yiri oo aan wax shaqo ah ku laheyn xirnaashaha Mas'uulkaasi.
C/fitaax Shaaweey oo shabelle ay xiriir la sameysay ayaa intaasi ku daray in aanu jirin cid ay xireen ciidamadiisa, isla markaana
Lama garanayo halka lagu hayo Mas'uulkaan, iyadoo loo diiday in loo geeyo cunno iyo dawo sida uu sheegay wiilkiisa.
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
Isha warka iyo qoraalkaba : ShabelleMedia