|    Register
 
Tuesday, October 07, 2008
Article Details
Gudoomiyaha Gudiga Olimbikada Soomaaliyeed oo Furey Cayaarha xagaaga ee Eurosom 2007

Waxaa Jimhihii aynu soo gudubnay ka  furmey magaaldda Helsinki ee dalka Finland  cayaarahii xagaaga ee Eurosom. Cayaarhan ayaa sanadkiiba mar laqabtaa waxaana soo qabanqaabiyo  Urur weynaha Eurosom waxaana lagu qabtaa hadba wadanka ku guuleyso doorashada qabanqaabada cayaarhan.

Furitaankii cayaarha ayaa waxaa ugu horeytii halkaa ka hadley Gudoomiyaha qabanqaabada cayaaraha Eurosom ee Finland Mudane Cabdulqaadir Hadaafow. Waxuuna ku soo dhaweeyey dhamaan ka ka soo qeybgalyaasha cayarahan gaara ahaan Gudoomiayaha G.O.S iyo bahweynta isboortiga ee ka soo qeyb galey cayaarahan. Wuxuu sidoo kale amaan u soo jeediyey cayaartoydii ka soo qeybgashey tartanka.

 

Waxaa sidoo kale ka hadley Gudoomiyaha Euromsom mudane Maxamed Diini oo ka hadley taariiqda Urur weynaha Eurosom iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu sooo marey ururka Eurosom. Maxamed Diini ayaa ugu danbeyntii kusoo dhaweeyey Gudoomaiyaha  Guddiga Olympikada Soomaaliyeed mudane Cabdulqaadir Gacal Abkow.

Eurosom9_jpg.jpg

Mudane Abkow oo ey u-aheyd markii ugu horeysay oo uu kasoo qeybgalo furitaanka cayaarahan ayaa aad u amaanaey wax qabadka bahda isboortiga ee Yurub gaar ahaan  qabanqaabiyaasha cayaarhan ee Eurosom. Abkow ayaa u-rajeeyey in cayaarahan ey ku dhamaadaan jawi wanaagsan kana soo baxaan dhalinyaro tayo leh isla markaana wax u qabto wadankooda.

 

Cayaartii ugu horeysay ayaa waxaa lagu furey kooxda Kanava ee Finland oo iyaga marti loo ahaa iyo kooxda Sokoa ee Norwey . Labada kooxood ayaa soo bandhigey cayaar aad u wanaagsan oo dadki kasoo qeybgaley uruyaaqeen. Cayaartaan ayaa waxaa ey guusha ku raactey 2-1 kooxda Kanava ee Finland. 

Eurosom12_jpg.jpg

Cayaarta labaad ayaa waxaa isku arkey labada kooxood ee Wabari ee reer London iyo kooxda Birmingham, England. Cayaartan oo iyana aad u wanaagsaneed ayaa waxa  ey kusoo gaba gaboobdey  barbar dhac (0-0).

 

Dhinaca madadadaalada ayaa waxaa maanta garoonka diyaar ku ahaa fananka weyn ee Maxamed Xassan Xuseen (Lafoole) oo ah fanaan dhalinyarada aad u jecelyiiin dhawaantana soo saari doono  album cusub oo aad ka heli doontaan goobaha lagu iibiyo canjaladaha. Fanaanka Lafoole ayaa halkaa ka qaadey heeso cusub iyo kuwiisii horaba.

Eurosom7_jpg.jpg

Fanaanka ayaa sii joogi  doono inta cayaaraha ety socdaan. Waxaa dadkii kasoo qeyb galey ka mid ahaa Gudoomiyaha G.O.S mudane Abkow, Kuxigeenkiisa Mudane Duraan, Bashiir Fox, Kabtan Ibraahim Shaah, Ibraahim Buruko, Maxamed Yaanyo, Axmed Nuur (gudoomiya Elman) Muriidi Seen, Pr Muuse Nasir, Gudoomiya ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed. Salaad Xasan , Cabdi Caagane Omar , waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa laacibkii naadiga batroolka Keynadiid Abdi Daahir iyo dad badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin. Waxaa sidoo kale goobjoog  ka ahaa  qaar badan oo ka tirsan saxaafada caan ka ah ee Soomaalida.

 

Eurosom14_jpg.jpg

 

S6300062[1].JPG

 

S6300063[1].JPG

Eurosom3_jpg.jpg

Eurosom4_jpg.jpg

Madaxa warbaahinta Eurosom

Abdiaziz Godah

E-mail: agodah@hotmail.com

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 7/23/2007
Number of Views: 638

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use