Kooxdan iyada oo ah horyaalka kubbadda koleyga ee North Ameerika ,ayaa iyadu horay u haysatay koobkan isaga ah ,waxaana u rajaynaynaa inay xajisato horyaalka.
Tababarayaasha kooxda, Axmed daahir, Shiikha, Maxamuud Isse iyo Madaxey ayaa sheegay inay rajo aad u wanaagsan ku qabaan inay kooxdu guulo ka keeni doonto tartankaasi lagu qaban doono Toronto(Canada).
In kasta oo kooxdu ay ka maqan yihiin dhallinyaro aad loogu hanweynaa duruufaha jira awgeed, haddana dhallinyarada cusub ee tartanka ka qayb-galaysa aad baan ugu kalsoonahay, waxaana ka filaynaa in kaalin muhiim ah ay buuxin doonaan ayuu yiri Tababaraha 1aad ee kooxda Axmed Daahir Axmed oo aan kula kulmay garoonka uu laylisku ka socdo. Waxaana uu sheegay inta aysan kooxdu u duulin Toronto inay la samayn doonto tartamo tijaabo ah kooxaha ka dhisan gobolka Minnesota, taasoo ay haatanba la ciyaareen kooxaha Edenpraire iyo Via Roma.
Maamulaha kooxda,isla markaana ka mid ah tababarayaasha kooxda Cabdulqaadir shiikha oo isagu ka hadlayay mustaqbalka kooxda iyo ujeedada laga leeyahay ayaa sheegay in kooxdu marka ay ka soo noqdaan tartamada ciyaareed ee ka dhacaya Toronto ay isu diyaarin doonaan ciyaaro kale oo lagu casuumay oo ka dhacaya Europe. Waxaa kale oo uu sheegay in la joogtayn doono tababarka kooxdani si loo helo ciyaartooy tayo leh oo magaca qaranka Soomaaliyeed uga qayb-gala tartamada caalamiga ah.
Sidoo kale maamulaha waxaa uu sheegay in gobolka Minnesota uu ka furmayo taariikhdu markay tahay June 26/2007 tartan kubbadda koleyga ah oo ay ka qayb-galayaan 12 kooxood oo da’doodu u dhaxeyso 8 jir ilaa 16 jir. Tartankaasi isaga ah waxaa qabanqaabinaya ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota oo loo yaqaano Somali Youth Development Organization in Minnesota. (SYDOM). Ciyaarahan kubbadda koleyga ayaa socon doona muddo afar maalmood ah ,halkan hoose kala soco waqtiyada iyo goobaha lagu ciyaari doono.
June 27/2007 YWCA 2121 E Lake street 5:30 P.M TO 9:00 P.M
Minneapolis, MN 55407
June 28/2007 YWCA 2121 E Lake street 1:00 P.M TO 6:00 P.M
June 29/2007 YWCA 2121 E Lake Street 5:30 P.M TO 9:00 P.M
June 30/2007 Bottinou Park 2000 – 2nd Street N.E 2:00 P.M TO 6:00 P.M - Minneapolis , MN 55418
Dhanka kale waxaa iyaguna diyaargaroow aad u culus ku jira kooxaha kubbadda cagta ee gobolka Minnesota oo iyagu isku diyaarinaya ciyaaraha kubbadda cagta oo furmaya June 25, 2007, ciyaarahan iyaga ah ayaa waxaa ay ka dhacayaan garoonka caalamiga ah ee James Griffin Stadium oo ku yaalla Saint-paul.
Tartankan isaga ah ayaa aalaaba waxaa soo qabanqaabiya rag ruug cadaa ah oo muddo ku soo dhex jiray isboortiga iyo qaar ka tirsanaa ciyaaryahannadii heerka 1aad iyo xulka qaranka kubbadda cagta oo aan ka xusi karno: Aamaan, Marshaale, Abdiaziz Biixi, Abdullahi Morgan, Ali Ganey, Awaale Geedi, Rashiid Doob iyo Abdullahi Afrika. Guddoomiyaha qabanqaabada ciyaaraha kubbadda cagta ee sannadkan Abdiaziiz Biixi oo ka warramayay ciyaaraha iyo qaabka ay ku socon doonaan ayaa waxaa uu ii sheegay in sannadkan ay ciyaaraha ka qayb-galayaan 10 kooxood oo kala ah: Ohio United(Ohio), Somali Stars (Tennessee), Somali Tigers, Midnimo, Horseed (Rochester),Muqdisho (Rochester),Communality, Hillaac , Higher Ground, iyo La Cruz. Waxaa kale oo uu ii sheegay in sannadkani uu si aad ah uga qiimo badan yahay sannadihii hore, aadna loogu hanweyn yahay in tartanku uu ku soo dhamaado sidii loogu talo galay. Waxaana uu ku booriyay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota inay si aad ah uga soo qaybgalaan daawashada tartankaasi.
Game Schedule
Group A Group B
Ohio United, OH Somali Stars, TN
Mogadisho, MN Somali Tigers, MN
Midnimo, MN Commonality, MN
Higher Ground, MN Horseed, MN
Hilaac, MN La Crus, MN
Off Team June 25, 2007 off Team
Ohio United Opening Ceremony at 5:00pm Somali Stars
1st Game @ 6:00pm Somali Tigers VS Commonality
2nd Game @ 7:10pm Hilaac VS Higher Ground
3rd Game @ 8:15pm La Cruz VS Horseed
4th Game @ 9:25pm Midnimo VS Mogadishu
Off Team June 27, 2007 off Team
Hilaac 1st Game @ 5pm Commonality
Midnimo VS Ohio United
2nd Game @ 6:10pm La Cruz VS Somali Stars
3rd Game @ 7: 20pm Higher Ground VS Mogadishu
4th Game @ 8: 30pm Horseed VS Somali Tigers
Off Team June 28, 2007 off Team
Higher Ground 1st Game @ 5pm Horseed
Hilaac VS Midnimo
2nd Game @ 6:10pm Commonality VS Somali Stars
3rd Game @ 7:20pm Mogadishu VS Ohio United
4th Game @ 8:30pm Somali Tigers VS La Cruz
Game Schedule
Off Team June 29, 2007 off Team
Mogadishu 1st Game @ 5pm La Cruz
Higher Ground VS Midnimo
2nd Game @ 6:10pm Commonality VS Horseed
3rd Game @ 7:20pm Hilaac VS Ohio United
4th Game @ 8:30pm Somali Stars VS Somali Tigers
Off Team June 30, 2007 off Team
Midnimo 1st Game @ 4:30pm Somali Tigers
Ohio United VS Higher Ground
2nd Game @ 5:40pm Commonality VS La Cruz
3rd Game @ 6:50pm Horseed VS Somali Stars
4th Game @ 9:10pm Hilaac VS Mogadishu
July 1st, 2007 Semi Final
Somali National Independence Day Celebration
@ 5:00pm – 7:30pm
Music Entertainment, speeches and poetry
Game One @ 7:40pm
First Place of Group A VS Second Place of Group B
Game Two @ 8:50pm
First Place of Group B VS Second Place of Group A
July 2nd, 2007
Closing Ceremony
Community Activity and Entertainment
1st Game @ 6:30pm 3rd Place game
&
Music Entertainment
Final Game @ 8:00pm
Haddaba natiijooyinka ciyaaraha ka dhacaya Toronto iyo tartamada halkan ka socda intaba iyo kooxaha sida ay u kala adkaadaan waxaanu idiinkugu soo gudbin doonaa qoraaladeena dambe inshaa-allahu.
Diyaariye: Shiikha