|    Register
 
Tuesday, October 07, 2008
Article Details
Dalmarow xageed maraysaa? .............. (Qaybtii Labaad)

FIFA, FIFA, FIFA, FIFA,FIFA……SWIZERLAND. Haddaad shalay igu ogayd Hargaysa saaka waxaan ku waabariistay dalka Swizerland, magaaladiisa Zuric.

Saaka waxaan akhriyey wargays ka soo baxa waddanka swizerland. Waxay wax ka qoreen FIFA iyo qodob ka hadlaya xiriirka somaliyeed ee kubadda cagta. FIFA waa hayàdda ugu sareysa ee ciyaarha kubadda cagta adduunka, waa ururka ay hoos yimaadaan dhammaan xiriirada adduunka.

 

 Waad la socotaan in maalmahanba uu isqabqabsi ka jiray XSKC, waa tii xilal layska qaaday, group hebel ayaa ku shiray hotel hebel xilkii waa laga qaaday iyo laygama qaadi karo horaan u ganaaxay dadkaasi, dad ganaaxan wax ma ganaaxi karaan.

 

FIFA webkeeda sanadkii hore 2006da ayaa waxay ku soo daabacday in Saciid Mugaambe uu yahay guddoomiyaha xiriirka somaliyeed ee kubadda cagta, maalmo ka dib magacyadii waa laga saaray. Sababtoo ah somaliya waxaa ka jiray seddex xiriir ay kala hogaamiyaan Bashiir Goobe, Darbo weyne iyo Saciid Mugaambe.

 

Saaka anigoo ku sugan Swizerland ayaan ka war helay in xiriirkii cusbaa dhawaantan loo magacaabay XSKC guddoomiyihiisa laga saaray, loona magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Saciid Mugaambe(Guddoomiye). Waxaa guddoomiye ku xigeen lagu soo qoray Ali Saciid.

 

Taleefoon ayaan u diray nin aan saaxiib nahay oo ku sugan Magaalada Muqdisho wuxuu iigu yiri ( DALMAROW XAGEED KA KEENTAY WARKAN, BEEN BAAD SHEEGAYSAANA KUGUMA ORAN KAREE, OO HOREY KUUGUMA BARAN BEEN).

 

Waxaad akhrisaa webside-ka www.fifa.com, ka dibna waxaad fiirisaa xiriirada, ka dibna SOMALIA, waxaad arkaysaa: Guddoomiye Maxamud Nur Sacid, guddoomliye ku xigeen Cali sacid, Xoghaye Cabdiqani, Khasnaji dib ayaan ka soo sheegaynaa.

 

Diyaariye

Ex Ref: C/Qadir Caddaay

 

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 3/20/2007
Number of Views: 584

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use