|    Register
 
Thursday, August 28, 2008
Article Details
Siciid Mugambe oo loo aqoonsaday guddoomiyaha XSKC iyo Darbawayne oo dariishadda lagala baxay

Fadeexadii iyo dagaalkii u dhaxeeyey madaxda XSKC ayaa soo afjarantay ka dib markii FIFA aqoosatay guddigii cusbaa oo ay doorteen guddiga Fulinta XSKC.

Arintan ayaa lagu xaqiijiyey shabakadda xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA qaybteeda xiriirada oo lagu soo daabacay magaca guddoomiyaha cusub ee XSKC mudane Siciid Mugambe kaasoo ay guddiga fulinta xiriirka soomaaliyeed laba usbuuc ka hor si ku meelgaar ah ugu doorteen isla markaana dariishadda ka saaraysa guddoomiyihii hore ee xiriirkan oo muddo sanad ka yar lagu soo doortay magaalada Baydhabo.

Xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa uu bilowday khilaafkoodu ka dib markii guddiga fulinta iyo guddoomiyihii hore isku fahmi waayeen sidii loo maarayn lahaa dhaqaalihii uu xiriirka adduunku u soo diray kan soomaaliyeed iyo waliba eedayn dusha looga tuuray Darbwayne oo ku aadan kali talisnimo.

Guddiga fulinta XSKC ayaa hadda u muuqda kuwa ka guulaystay Darbawayne balse ay adagtahay sida lagu saadaaliyo wada shaqaynta dhexdooda ah maadaama uu dhaqankii madaxda XSKC uu noqday iska soo horjeed iyo khilaaf inkastoo balanqaadyadooda iyo waliba warar aan ka soo xiganay dadka aqoonta u leh bahdan hadda hogaanka haysa la filayo in isbadal degdeg ah ku sameeyaan kubadda cagta dalka.

Dhinaca kale Muxiyaddiin Darbawayne oo kharash fara badan ku bixiyey doorashadii Baydhabo ayaan la ogayn talaabada xigta oo uu qaadi doono ayadoo warar horena ay sheegayeen in uu hanjabaado iyo cagajuglayn horey ugula kacay qaar ka mid ah guddiga fulinta XSKC.   

Halkan ka arag magacyada


Written By: Mohamud
Date Posted: 3/20/2007
Number of Views: 527

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use