|    Register
 
Tuesday, October 07, 2008
Article Details
Dalmarow xageed maraysaa................................?

Dalmar waa ciyaaryahan waaya arag ah, weriye run sheeg ah, aqoonyahahan ku xeel dheer maamulka sportiga gudaha iyo dibadda, dalmar waa dalmar dunida dacaladeeda oo dhan  ku wareega.

Dalmar saaka wuxuu ku waabariistay magaalada hargaysa. Isma lahayn tartan kubadda cagta ah ayaad daawanaysaa. Labo kooxood oo dhar aad qurxoon labisan ayaa waxaa daadihinayey seddex garsoore, iyaguna sita unifoomkii garsoorka. Taribuuka ayaa waxaa buux dhaafiyey shacabkii. Run ahaantii ciyaartoyda halkaasi ka ciyaarayey waxay u badnaayeen ciyaayahanno, da`dooda aad u yar tahay xirfadda kubadda cagtana ay u sii dheer tahay. Nabadgelyada garoonka aad buu u heer sareeyey. Waxaad arkaysaa fardo ay boolis saaran yihiin oo nabadgelyada qayb libaax ah ka qaata.
 
Waxaan soo xasuustay waayihii hore ee ciidankii fardooleyda ee garoonka stadium kons ilaalin jiray.
 
Waxaan waraysi la yeeshay qaar maamulka ka mid ah, waxaan weyddiiyey sida ay ku gaareen horumarkan quruxda badan. Jawaabta waxay ahayd : Halkan waxaa ka dhisan wasaarad sport, oo wasiir leh, wasaaradda waxaa hoos yimaada xiriiro kala duwan, waxaana ka mid ah xiriirka kubadda cagta. Intaasi waxaa u sii dheer kooxo ka diiwaan gashan xiriirka oo ay leeyihiin ganacsato iyo hay\ado kala duwan, daacadna u ah in ay hor mariyaan dhalinta soo koreysa.
 
Waxaan weyddiiyey in hargaysa oo qura laga ciyaaro kubadda cagta nin ka mid ah taageerayaasha wuxuu ii sheegay in sanad walab la qabto tartan ciyaaraha degmooyinka ah iyo mid gobolada somaliland ah.
 
Waxaan weyddiiyey suàal ah in laga aqoonsan yahay xiriirada caalamiga sida FIFA, ciyaar kasta oo aan qabano warbixinteeda waan u gudbinaa FIFA; iyo CAF, laakiin wax kaalmo ah oo aan ka helno ma jiraan, ayuu hadalkiisa ahaa nin ii sheegay in sportiga dhiiggiisa ku shaqeeyo.
 
Galabtaasi markii ay dhamaatay ciyaartii ayna ku dhamaatay si guula, ayaan magaalada soo dhex galay. Fadhi ku dirirada aad bay u badan yihiin, laakiin aniga waxaan aad u xiisaynayey kan sportiga. Dhegahayga ayaa waxaa ku soo dhacayey, muran xooggan oo u dhaxeeyey labo guruub, dooddoodana waxay u dhacday sida tan:
 
Groupkii koowaad:
Sportiga anagaa ciyaari jirnay oo nalaga soo garay, horumarkan ciyaaraha anagaa keenay. Kooxahan horyaalka ciyaara anagaa abuubulnay, gadaal ka gaar muxuu inoo sheegayaa?
 
Groupkii labaad:
Dawlad baa jirta, wasaaradda sportiga bay samaysay, wasaaraddiina xiriir kubadda cagta ah ayey samaysatay. Ciyaaraha horyaalkana iyagaa ka wakiil ka ah, ruuxii aan ku jirin guddiga xiriirka ee sheeganaya maamulka ciyaarha somaliland qas buu wadaa ee ha ka joogeen baanu leenahay.
Midda kale hal qof ama labo qof oo inoo soo fasax taga ka yeeli mayno in ay na maamulaan oo ay na marin habaabiyaan.
 
Groupkii koowad:
Markaanu abaabulaynay kooxaha, wasaaradda ciyaaraha aanu la talinaynay, horyaalkan hadda socda aan waqtigeena iyo hantideena u hurnay, halkee bay jireen kuwan hadda xiriirka sheeganaya oo aan ku jirin hal qof oo sportiga ehel u ah.
 
Groupka labaad:
Wagareey wa la yaab war waddanku sow dawlad ma laha, sow maamul ma laha. Iyagaa ina magacaabay, maxsuulka ama natiijada ka soo baxdana waa mid ay ku faanayso awalan wasaaradda ciyaaraha, gaar ahaan xiriirka kubadda cagta ee Somaliland.
 
Anigoo Dalmar ah waxaan aad u jeclaystay magaalada Hargaysa oo ah magaalo nabadgelyo, magaalo sport, magaalo maamul wanaagsan, ayaa iyada oo dooddii fadhi ku dirirka halkaa maraysaa salaaddii maqrib la eedaamay ka dib masjidkii la wada qabtay.
 
Waxaa diyaariyey:
Cabdulqaadir Caddaay
 

Written By: Mohamud
Date Posted: 3/19/2007
Number of Views: 826

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use