|    Register
 
Thursday, August 28, 2008
Article Details
Bahwaynta cayaaraha London oo tacsi tiiraanyo leh u diraysa qoyskii marxuum Killer

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun. Ilaahay janadii ha ka waraabiyee waxaa dalka Yemen ku geeriyooday cayaartoygii/fanaankii waynaa marxuum Axmed Shariif Kileer.

Geerida marxuumkan ayaa ah mid ay si aad ah uga naxeen bahwaynta cayaaraha soomaaliyeed maadaama uu marxuum Killer magac iyo maamuus sare ku dhex lahaa bahdan.

Hadaba bahwaynta cayaaraha dalkan Ingiriiska gaar ahaan magaaladan London oo uu hogaaminayo aabaha bahdan Nuur Xuseen "Jeeny" iyo saaxiibkiisii waynaa Maxamed C/Raxmaan "Buuwe" waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumku gaar ahaan walaalkiis alfanaan C/Laahi Shariif "Baastow" waxayna ilaahay uga baryayaan in uu janadii ka waraabiyo ayagana uu samir iyo iimaan ka siiyo. 

Sidoo kale dhalinyarada reer waaberi ee degan magaaladan London iyo ururka Waberi Somali Community oo ka dhisan magaaladan ayaa tacsi taas la mid ah u diraya qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuum Axmed Shariif "Killer".

Haddii aan nahay bahda cayaaraha.com waxaan ilaahay uga baryeynaa in uu marxuum Killer janadii fardawsa ahayd ka waraabiyo dhamaan bahwaynta cayaarahana samir iyo iimaan ka siiyo.

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 3/14/2007
Number of Views: 765

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use