|    Register
 
Thursday, August 28, 2008
Article Details
Kooxda goodir oo 1:0 kaga adkaatay kooxda D.H.Gabiilay…….

Tartankii horyaalka naadiyada heerka kowaad ayaa maanta dib uga furay garoonka Hargeisa stadium kadib markii uu mudo afar todobaad la hakiyay waxaan ciyaartii maanta isku haleelay garoonka Hargeisa stadium labada naadi ee Goodir iyo D.H.Gabilay (Sawirka bidix: Kooxda Goodir).

Ciyaartaas oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaad moodaysay in ay kooxda D.H.Gabillay katabaabusho fiicnayd sidii looga bartay ciyaarraheedi hore oo aad moodaysay kooxdan mid iska caabiday kooxda goodir .Horyaalka oo istaagay kadib markii waxoogaa xagga garsoorka lagu qanci waayay natiijadaii cayaartii Goodir iyo Gaashaan taasoo sababtay in la hakiyo iyo sababo kale oo la xidhiidha Xidhiidhka laakiin maanta markii dib loo bilaabay dadweeynuhu aad beey u xiiseeynayeen waana la wada sugayay, cayaartan oo ku bilaabatay weerar iyo weerar celis xoogan oo labada kooxood isku qaadayeen.

 

Kooxda goodir ayaa dhashatay qaybtii hore ee ciyaarta goolka madiga ah ee ay guushu ku raacday goolkaas oo u dhaliyay ciyaartoyga khadka dhexe ee Yasiin Axmed olol  waxaana qaybtii hore ee ciyaartu ku soo gabogabowday 1:0 markii lagu soo noqday qaybtii danbe ayay kooxda gabilay heshay fursado gool loofishay lakiin waxaad moodaysay in uu la tacaalay goolhayaha kooxda goodir saleeban iyo difaaca kooxda goodir oo hor joogsaday weerar yahanadii kooxda gabiilay oo isku dayeeysay in aay barbardhac keensadaan waxaana ciyaartu ku soo gabo gabowday 1:0 ay guushu kuuraacday kooxda goodir ee cidanka Boliska JSL.Hadaba mar aan wax ka weeydiinay dadweeynaha qaar ayaa noo sheegay in aay aad ugu farxeen cayaarta iyo sida aay ku dhamaatay oo ahaayd cayaar nadiif ahaayd oo garsoorkuna uu gutay shaqo wanaagsan.

 

Waxaa ciyaarta maanta garsoorayaalka ahaa

  1. Maxmaed c/laahi Oomar garsooraha dhexe
  2. Maxamed xasan calan wale
  3. Maax muuse calan wale
  4. khaalid afwayne garsooraha afraad

Xidiga garoonka ee ciyaartii maanta waxaa uu ahaa ciyaartoyga kooxd goodir Yasiin Axmed Olol oo isagu dhaliyay goolka madiga ah ee kooxdiisu guusha ku raacday.

 

waxaana ciyaarta maanta dhex mari doontaa kooxda

Wellman iyo Nuuradin .

 

weriye: yasiin calase

Hargeisa Somaliland

Somalilandsports.net

Calase32@hotmail.com 

 

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 3/7/2007
Number of Views: 672

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use