|    Register
 
Thursday, August 28, 2008
Article Details
Cayaar saaxiibtinimo oo dhexmartay kooxaha magaalooyinka Riyad iyo Bureida.

Waxaa maalintii jimcaha 9.2.07 safar isbarasho iyo isdhexgal ku aaday magaalada BURAIDA DHALLINYARADA iyo guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee RIYADH.

HALKAAS OO loogu sameeyay martiqaad qado sharaf leh. Mudadii ay martida ku ahaayeen magaaladaasi ayaa waxaa lays dhaafsaday hadaladii soo dhaweeynta iyo mahadnaqa ahaa, ayadoo uu xafladdaasina soo qabanqaabiyeen C/rashiid Xasan Nuur "Faamos", tahliil iyo Amiin.

Galabtii markii la gaaray ayaa waxaa halkaas waxaa foodda isku daray kooxaha kubadda cagta ee jaaliyadaha Riyadh iyo Burayda ee dalka Sacuudiga ayadoo ay halkaas ka dhacday ciyaar ay ka muuqatay farsamo wanaagsan gaar ahaan kooxdii Riyadh inay aad uugu sareeysay kooxdii magaalada Buraida xag farsamo iyo ciyaarba, qaybtii hore waxay ku dhamaatay 4 iyo eber, qaybtii dambe oo aad looga heer sareeyay buraida ayey kooxda Riyaad guushii waxay ku raacday 12 gool iyo Eber.

Dhallinyarada jaaliyadda magaalada Riyaad iyo kooxdaba waxay u mahadnaqeen Jaaliyadda Burayda sida fiican ay u soo dhaweeyeen waxayna u fidiyeen martiqaad inay ku yimaadaan ayaguna markooda magaalda Riyadh.


Written By: Mohamud
Date Posted: 2/16/2007
Number of Views: 492

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use