|    Register
 
Thursday, August 28, 2008
Article Details
Maxaa ka qaldamay cayaarihii quruxda badnaa ee ka dhici jiray Sweden? Maqaal

Soomaalida qurbaha ku nool ayaa waayadii danbe tiradoodu soo badaneeysay iyadoo ay taasi salka ku heeyso dagaaladii sokeeye ee aafeeyey dhamaan dalkeenii hooyo.

Iyadoo aan ka wada dharagsanahay waxyaabihii dhaliyey dagaalada naga soo barakiciyey dhulkii aan ku dhalanay ineey ugu horeeysay maamul xumo iyo kali talisnimo taasoo shacabkii ku hoos noolaa xukunkaas kali taliska ah u cuntami weeysay aakharkiina ka door biday dagaal sokeeye oo lagu hoobto inuu ka dilaaco dhamaan dalka oo dhan.

Wadanka Sweden oo ka mid ahaa wadamadii ay dadku aad u soo galeen ayaa Soomaalidu waxeey xoog u soo gashay horaantii 1990 iyadoo markaas ay dadkuna sii badanayeen xilliba xilliga ka danbeeya.

Dhalinyarada Soomalida oo iyagu ahaa bulsho aad u xiiseeysa cayaaraha ayaa durbadiiba waxeey bilaabeen ineey cayaaraha ka soo bilaabaan xerooyinkii ay ku sugnaayeen iyo waliba magaalooyinkii ay dageen markii ay sharciyada qaateen.

Dalka Sweden ayaa waxaa sharaf u ah in lagu tilmaamo hooyadii cayaaraha Yurub  maadaama lagu qabto cayaaraha xagaaga ee sanad walba ay isku arkaan kumanaan kun oo Soomaali ah taasoo ay haatan uga daydeen wadamo kale oo isku daya ineey qaban  qaabiyaan cayaaraha noocaas oo kale ah waloow ay adag tahay in la helo daawadayaal aad u tiro badan oo garoomada u soo camira sida reer Sweden oo kale. 

 Sideey ku biloowdeen cayaaraha Stockholm  ?

1991 dii ayeey aheeyd markii tirada ugu badan ee Soomalida xiiseeysa cayaaraha kubadda cagta ay mar kaliya soo dageen xaafadda Fruängen oo ah xaafad ku taal Koonfurta magaalada Stockholm waxeeyna xaafaddaas noqotay goobtii ugu horeeysay ee laga abaabulo cayaaraha kubadda cagta xiligaas ka dib ayeey bilaabatay in Mudane C/laahi Cali Qoslaaye (Carabeey) oo aan dhihi karno waa aabihii Sportiga Soomalida Stockholm uu bilaabay inuu isku keeno cayaartooydii Stockholm dhisana koox ka dhisan Stockholm laguna
magacaabi jiray xulka Stockholm kuwaas oo ka qeyb qaadan jiray cayaaraha jaaliyadaha ajanabiga ah iyo kuwa Swedishka  ee ka dhisnaa Stockholm iyadoo kooxdan ay masaleeysay jaaliyadda Soomaalida ee Stockholm waxaana cayaartooydii xilligaa soo bilaabay cayaarahan kubadda cagta ka mid ahaa Tababare Carabeey , Cabdi Naasir Haruuse , Cali Xasan ( DJ) Cabdi Qani Caalin , Afrax  , Warsame Oday , Wali Maalin , Caydaruus , Allaha u naxariistee Baryare , Afrika , Yaxye iyo dhalinyaro kale oo aan la soo
koobi karin.

Waxaa sidoo kale dhici jiray cayaaro ay kooxda Stockholm la cayaari jirtay kooxaha Soomaalida ah ee ka dhisnaa gobolada sida Göteborg , Västrås, Örebro iyo Katrinaholm.
Cayaarahan xiliyadaa dhici jiray ayaa ahaa caayaaro taageero badan oo ay daawadaan dad fara badan inkastoo tirada Soomalida ee Stockholm ay yareed xilligaa balse waxaa lagu tilmaami karaa ineey ahaayeen bilowgii iyo furihii Cayaaraha Stockholm.

Waxaa sidoo kale jiray tartamo lagu qabto xaafadda Rinkeby oo ay isku arki jireen kooxda xiddigaha  Kismaanyo iyo koox la baxday xiddigaha Banaadir cayaarahaa oo ay ka dhex muuqan jireen odayaashii Sportiga ee reer Kismaanyo sida Cumar shabateey iyo Maxamed Faarax.

Qaabkii lagu soo bilaabay caayaraha xagaaga Stockholm
 
Sanadkii 1999 kii ayaa markii ugu horeeysay la qabtay cayaaraha xagaaga ee ka dhaca dalkan Sweden iyadoo fikradeedana uu lahaa Cayaaryahankii hore ee kooxda Badda Mr Cawad Xasan ka dib markii koox ka soctay Sweden oo dooneysay ineey ka qeyb gasho cayaarihii xagaaga ee ka dhici jiray Canada ay u suurta gali weeysay sidaana fikirkiisii lagu raacay in caayaaraha halkanba lagu qabto iyadoo la war galiyey kooxihii markaas ka dhisnaa
Stockholm iyo dhowr dal oo Yurub ku yaal , kooxaha Stockholm xilligaa waxaa dhisnaa kooxda Xiddigaha Rågsved oo ah kooxda ugu faca weyn Stockholm kooxaha hadda jira iyadoo la dhisay 1993 dii iyo kooxda Benaadir IF oo la dhisay 1997 dii waxeeyna labadaa kooxood noqdeen kooxaha masala magaalada Stockholm. Waxaa sidoo kale Sweden ka soctay kooxda Göteborg oo iyadu sanado badan koobka la hoyatay runtiina ka dhex muuqday cayaarahan iyagoo ay ka dhex muuqdeen Maxamed Diini , C/raxiin Faakte , Axmed Joon iyo cayaartooy kale oo fara badan.

Guddiga cayaarahan 1999 kii qabanqaabadiisa lahaa ayaa waxeey ahaayeen guddi ay u badnaayeen dad Sportiga wax ka yaaqaan oo waxaa lagu tilmaami karaa inuu ahaa sanadkii ugu wanaagsanaa cayaaraha , odayaashii ka mid ahaa guddigaa oo aan wada xasuusan ayaa waxaa ka mid ahaa Sabiriye Gaaboow , Sacad Cumar Geedi , Mataan , Xaaji Faarax , Cabdi Naasir Haruuse, Sheekh Daahir Jeeyte ,Xasan Wuqooyi iyo Cali Nuur Garaash iyo odayaal kale oo aan hadda xasuusan. Waxaase dhacday in maamulkaa bilaabay maamulidda
cayaarahan la badalo ka dibna uu maamulkii gacanta ku dhigay ururka Benaadir IF.

Maxaa sababay in cayaarihii midka ahaa ay u kala jabaan seddex ( Stockholm
Summer Games , Eursom iyo Seuki )

Akhristoow sida aan maqaalka horaantiisiiba ku bilaabay burburkii dalkeena wuxuu ka bilaawday maamulkii jiray oo dadku ku qanci waayey isaguna isaga tagi waayey maamulka taasoo keentay in xoog la iskaga kiciyo.

Sandku markuu ahaa 2003 dii ayeey burburkii cayaarahan quruxda badnaa
dadkuna ay wada camiri jireen biloowdeen ka dib markii lacag ballan qaad aheeyd oo uu guddigii qabanqaabada u ballan qaaday in la siin doono kooxda koobka ku guuleeysata iyadoo ay aheeyd kooxdii Göteborg la isla fahmi waayey qaabkii  loo siin lahaa lacagta iyadoo arintuna ay gaartay in gacanta la iskula tago .

Qilaafkan ayaa wuxuu noqday bilowgii firqo labaad oo reer Sweden ah iyagoo la kaashaday kooxo kale oo dano u gaara  lahaa kuwaasoo doonayey in cayaaraha la wareejiyo waloow ay fikirkaasi wada diidanaayeen reer Stockholm oo dhan oo uusan guddiga oo kaliya ku koobneeyn marka laga reebo ilaa seddex xubnood oo guddiga ka tirsanaa oo iyagu qorshahaas in cayaaraha laga wareejiyo Stockholm ku raacsanaa qoladii wadatay.

Sidaa waxaa lagu aasaasay urur weyn oo Sport oo la magax baxay Eurosom qabtana cayaaraha xagaaga mar walbana iskugu taga dalalka xubnaha ka ah ururkooda waloow aysan isku dhigmin lacagaha ay galiyaan cayaaraha iyo tayadooda maadama ay mar kastaa tagayaan dal hore leh oo u baahan barasho.

Cayaarihii ay sanad dhaweyd ku qabteen Oslo ayaan tageeryaal badan ka soo qeyb galin.

Waxaa sidoo kale dhacday in bahdii Sportiga ee Stockholm ee iyagu wax ka waday cayaaraha xagaaga qaarkood ay ku qanci waayaan maamulka cayaaraha Soomalida iney hal guddi uun hor boodaan oo aan wax isbadal ah oo xagga maamulidda cayaaraha ah ama fikrado  cusub oo aan hore loo arag lagu arko taasoo keentay in la aasaaso urur cusub oo Sport oo kulmiya ururo fara badan oo sameeysaty dallad lana baxay SEUKI oo macnaheedu yahay Somaliska Europieska Ungdom Kultur och Idrott.

SEUKI ayaa iyaduna noqotay firqo seddexaad oo ka dilaacaday cayaarihii hore uga dhici jiray Stockholm iyagoo  cayaaraha xagaaga 2006 ku qabtay magaalada Stockholm Cayaarahaas oo noqday cayaarihii ugu maamul wanaagsanaa xilliyadii danbe iyadoo ay ka qeyb qaateen tiradii ugu badneeyd ee kooxo ah taasoo aan wali ka dhicin cayaaraha xagaaga Stockholm kuwaas oo gaarayey 12 kooxood oo ay ku jireen wadamo cusub oo aan hore
uga qeyb galin sida Irland iyo Italy. Waxeey sidoo kale aheeyd markii ugu horeeysay ee ay kooxahaa oo dhan helaan cunno iyo jiif lacag la,aan ah iyadoo aysan cayaarahana ka dhicin wax dacwad ah ama qalalaase ah.

Maxaa diiday in ay labadan guddi  is fahmaan?

Labadan guddi ee SEUKI iyo Somali Summer Games oo wada deggan magaalada
Stockholm ayaa ahaa dad ay aqoon iyo saxiibnimo gaar ahba ka dhaxeeyso inti aan la aasaasnin ururka SEUKI , waxaase fajac iyo amakaak noqotay in raggii ay aqoontu ka dhaxeeysay ee magaalada wada deggenaa inteey isku yimaadaan arintan wada xallin waayaan iyadoo aan hubo in hadii ay daacadnimo jirto xalku uu fududaa waxaase aan meesha ka mareeyn in arintan ay cagta ku walaaqayeen odayaal loo baahnaa ineey noqdaan hormuudkii cayaaraha Soomaliya marka la fiiriyo waqtiyadii ay garoomada ku jireen iyo
cisihii looga heyn jiray Sportiga Soomaliya basle cisahaas iyo sharafkaas ka door biday iska horkeenid iyo u kala xagleeyn dhalinyaro magaalo wada deggan oo u wada daneeya shacabka Stockholm oo ah shacabkoodii, ragga fara ku tiriska ah ee hortaagan amaba la oran karo waa caqabadda hortaagan cayaarihii quruxda badnaa ayaad moodaa ineey wax walba ka hormarinayaan danahooda shaqsiyeed ee aan ku tilmaami karo xukun jaceeyl iyo aniga ha la i maqlo.

Waxaa hore u jiray rag guddiga Somali Summer Games hore uga carooday oo raacay Eurosom oo ka dib markii loo ballan qaaday in laga dhigayo guddoomiyeyaal dib ugu soo laabaty guddiga taasoo aan cadeeynteeda heeyno in lagula hesheeyey ineey helaan guddoomiye iyadoo  labadoodiiba guddoomiye laga dhigay labadii sano ee isku xigtay ee 2005 iyo 2006 maadaama ballantii lagu soo celiyeyba ay sidaa aheeyd.

Sidee lagu xallin karaa qilaafkan?

Waxaan hubaa in qilaafkan xallintiisa ay sahlan tahay hadii la isku daayo dhalinyarada lagu kala dhexjiro isla markaana ay dhexdhexaadiyaan isla dhalinyaradii cayaaraha Stockholm hormuudka u ahaa soona bilaabay kuwaasoo oo ay ka mid yihiin Warsame Oday , Cabdinaasir Haruuse, Carabeey, Cali Dj, Afrika, Akookoow, kuwaas oo wax badan ka og kagana haboon dadka cayaaraha magaalada Stockholm ay ku cusub yihiin ee uun ku soo gaaray labadii sano ee ugu danbeeysay xalkeeduna uu ku noqon karo dhibaato maadma aysanba la socon wixii hore uga jiray magaalada.

Waano odayaasha Sportiga iyo cayaartooydii hore ee sanad walba taga wadamada lagu kala qeybsan yahay runtii waa wax wanaagsan in odayaashii hore ee soo maamuli jiray cayaaraha
Soomaaliya iyo waliba cayaartooydii u soo cayaari jiray kooxihii ka dhisnaa dalkeena burburkii ka hor ama ka soo cayaaray cayarihii Qaranka soona difaacay calankeenii ay yimaadaan goobaha lagu qabto cayaaraha Soomaalida si ay Idol ugu noqdaan ama ay dhalinyarada da,da yar ay ugu daydaan una tiigsadaan wixii ay soo qabteen ,waxaase wax lala yaabo ah in odayaashii Sportiga ama cayaartooydii sumcadda ku lahaa dalkeena  ay
tagaan wadamada ay bahdii Sportiga ee daganeeyd  ku kala qeeybsan yihiin hadii ay noqon laheeyd Sweden, Canada, Finland   iyo wadamo kale oo badan taasoo iyaga laftooda ay sumcad daro weyn kala kulmi karaan maadama labadii group ee is heeysatay ay qoloba eed u jeedineeyso odayaasha iyo cayaartooyda iyagoo mararka qaar xitaa isku dayaya sidii 2006 uga dhacday Stockholm in loo hanjabo oo la yiraah hadaad garoonkaa kale tagtaan inaga
nooma iman iyo waxyaabo sidaa oo kale ah taasoo sumcad darro iyo waliba magac xumo u noqoneeysa odagii sharafta lahaa ama cayaartooygii qiimaha ku lahaa bulshada.

Waxaan qabaa in hadii aad tahay oday Sport ama cayaartooy hore oo sharaf ku leh bulshada dhaxdeeda inaadan iman meel la isku heeysto oo aad tagto wadamada kale ee Sportigoodu mideeysan yahay ama isku day inaad dhaxdhaxaadiso kuwa is heeysata inta aadan u iman inaad kala qeeybgasho cayaarahooda adigoo imaanshahaaga ku xiraya horta in la heshiiyo oo meel wax lagu wada qabsado .Hadiise aad adigoo og in khilaaf ka jiro dalkaa aad u socto ogoow in uusan shaarkaagu nadiif kuu noqoneeyn oo sumcadaadii Sport ay lumeeyso.

Maxaa la gudboon guddiyada Somali Summer Games , Seuki , iyo Eurosom

Sidiisaba Sportigu waa shey bulshada isku keena oo isku  xira iyadoo uusan shaqo ku aheeyn qabiil ama siyaasad waxaase waayadan danbe soo dhexgalay waxyaabo badan oo aan ku habooneeyn Sportiga , Guddiyada qabanqaabiya cayaaraha xagaaga waxaa la gudboon ineey bilaabaan wada hadal u dhaxeeya oo shaqsi walba uu juhdi galiyo sidii Sportiga Europe loo mideeyn lahaa taasoo faaiido u ah kooxaha , shacabka daawadayaasha ah, warbaahintii cayaaraha soo tabin laheeyd iyo dhamaan bulsho weynta cayaaraha jecel meel walba oo ay joogaan.

Waxaa sanadkan guddoomiyayaal u ah guddiyadan seddexda ah rag dhalinyaro ah oo aan filayo ineeysan xukun  jacleeyn oo ay dantooda ka hor marin doonaan danta guud ee ulshada Soomaalida waxaana kula dardaarmayaa ineey bilaabaan wada hadal seddex geesood ah inta aysan is wada hor fariisan guddiyada oo dhan taasoo marka hore laga bilaabayo labada guddi ee ka wada dhisan Stockholm oo ay guddoomiyaan Cali Gureey iyo Yoonis Galbeeyte.
Hadii ay kala qeybsanaantu sii socto waxaa la hubaa in ay soo bixi doonaan ururo kale oo iyaguna cayaaraha qabanqaabiya taasoo keeni doonta burbur mar kale ku yimaada Sportiga qurbaha.

Hadii aad dood ka qabto maqaalkan ama aad rabto inaad rayigaaga kala baxdo sidii loo dhameeyn lahaa qilaafka u dhaxeeya guddiyada cayaaraha qabanqaabiya rayigaaga noogu soo hagaaji
admin@ceelbuurnet.com adigoo doodana ku soo qoraya magacaaga dhabta ah.

Abdi O. Afrah
Admin@ceelbuurnet.com


Written By: Mohamud
Date Posted: 2/16/2007
Number of Views: 677

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use