Wafdigan oo ay so wada jir ah u hogaaminayeen wasiirka cayaaraha ee dalka Soomaaliya mudane Mawliid MAcaane iyo guddoomiyaha GOS mudane C/Qaadir Abkow ayna ka mid ahaayeen guddoomiya kuxigeenka GOS mudane Duraan Axmed Faarax, oghayaha GOS mudane C/Laahi Axmed Tarabi iyo waliba wakiilka GOS ee IOC da Deeqa Xuseen ayaa waxa ay la kulmeen mudadii ay ku sugnaayeen dalka Switzerland madax sare oo ay ka mid ahaayeen kuwa xiriirada kala gedisan iyo guddiga olimbikada adduunka.
Ulajeedada socdaalkan oo ahaa sidii ay isku baran lahaayeen guddoomiyaha GOS iyo kan Adduunka iyo waliba sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada guddi ayaa siday sheegeen madaxdii soomaaliyeed waxa ay halkaasi kala soo kulmeen guulo wax ku ool ah ayagoo sidoo kalena ka soo dhaadhiciyey guddoomiyaha guddiga olimbikada adduunka mudane Rogge waxqabadkii GOS mudadii yarayd ee doorashadii guddoomiye Abkow ka dib iyo caqabadaha hortaagan sidii looga caawin lahaa.
Guddoomiyaha guddiga olimbikada adduunka ayaa halkaasi uga balanqaaday guddiga soomaaliyeed in ay kaalmadii ay siin jireen iyo mid ka balaaranba u fidin doonaan GOS isla markaana uu aad ugu qancay warbixinadii ay u soo gudbiyeen guddi hoosaadyada ururkiisu uuna ku amaanay GOS waxqabadka degdega ah oo ay muujiyeen.
Guddoomiyaha GOS mudane Abkow iyo wasiirka sportga mudane Mawliid Macaane ayaa ayaguna halkaasi uga mahadceliyey celiyey guddoomiyaha IOC da taageerada joogtada ah oo uu siiyo bahwaynta cayaaraha Soomaaliyeed.
Guddiga waxa ay sidoo kale la kulmeen xiriirada kubadda cagta "FIFA", kubadda kolayga "FIBA", feerka iyo kuwa kale oo ay dhamaantood kala hadleen sidii loo caawain lahaa xiriirada dalka ayagoo dhinaca kalena ka dhagaystay warbixino iyo talooyin ku aadan xiriirada soomaaliyeed madaxdii xiriirada adduunka oo qaarkood muujiyey sida ay uga xun yihiin khilaafka ka dhextaagan xiriirada soomaaliyeed ayadoo ay madaxdii GOS ka gaabsadeen in ay noo sheegaan xiriirada farta lagu fiiqayo.
Isku soo wada duuboo guddiga olimbikada soomaaliyeed oo asagu hadda u muuqda mid kacaan cusubi u dhashay ayaa la filayaa in hawlihii horumarinta cayaaraha dalka uu si dhakhso u ah ugu hawl galo mar haddii isqabqabsigii dhamaaday.