Mudane C/Qaadir Axmed Jaamac "Badardiid" oo ilaahay janadii fardawsa ahayd ha ka waraabiyee ay xaaskiisii maanta ku geeriyootay magaalada London ee dalkan Ingiriiska.
Marxuumadda ayaa ifka uga tagtay saddex caruur ah waxaana haddii alaha awoodda lihi ogolaado lagu aasi doonaa maalinta berrito ah waqooyiga magaalada London ayadoo meydka marxuumaddana salaadda jimcaha ka dib laga qaadi doono masaajidka xaafadda Edmonton ee waqooyiga London.
Waxaan ilaahay uga baryaynaa in uu janadii fardawsa ahayd ka waraabiyo walaalkeen iyo caruurtiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo.
---------------------------------------------------------------------------
C/qaadir Maxamed Faarax "Biriq", Baaba Jaylaani iyo dhamaan bahwaynta cayaaraha ee dalkan ingiriisku waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan C/Qaadir Badardiid oo xaaskiisii ay maanta ku geeriyootay magaaladan London waxayna ilaahay uga baryayaan in uu janadii ka waraabiyo ayaga iyo dhamaan ehelkii ay ka geeriyootayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin
---------------------------------------------------------------------------------------
Anigoo ku hadlaaya magaca gudiga olimbikada soomaaliyeed, ururka Alhijra iyo kaygaba waxaan tacsi tiiraanyo leh halkan uga gudbinayaa guddoomiye ku xigeenka kooxda kubada cagta ee Elman C/Qaadir Axmed Jaamac "Badardiid" oo xaaskiisii ay maalinimadii khamiisti ahayd ku geeriyootay magaalada London waxaana ilaahay uga baryayaa in uu janadii ka waraabiyo asaga, caruurtii iyo eheladii ay ka baxdayna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.
Duraan Axmed Faarax
Guddoomiye-kuxigeenka GOS
-------------------------------------------------------------------------------------------
Anigoo si aad ah uga tiiraanyeysan geerida naxdinta leh ee ku timid xaaskiisii waxaan halkan tacsi uga dirayaa walaalkay C/Qaadir Axmed Jamac "Badardiid" oo ah guddoomiye ku xigeenka kooxda Elman. Waxaan ilaahay uga baryayaa in uu janadii ka waraabiyo asagana samir iyo iimaan ka siiyo.
Axmed-Nuur Xasan Cabdulle
Kaaliyaha Xoghayaha GOS
--------------------------------------------------------------------------------------------
Tacsi u dir