|    Register
 
Friday, November 21, 2008
Article Details
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun

Bahda cayaaraha.com gaar ahaan tifaraha shabakaddan Maxamuud Ismaaciil waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa saaxiibkiis cayaaryahankii hore ee kooxda Betroolka C/Qaadir Maxamed Faarax "BiriQ".

Oo hooyadiis xalay ku geeriyootay magaalada Beledwayn ee dalkeena Soomaaliya waxuuna ilaahay uga baryayaa in uu janadii ka waraabiyo asaga iyo dhamaan ehelkii iyo qaraabadii ay ka tagtayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Dhamaan bahwaynta cayaaraha dalkan Ingiriiska oo uu ugu horeeyo aabaha bahdan Nuur Xuseen "Jeenyo", Maxamed Buuwe, Baaba Jaylaani, Isoomareey, Axmed Nuur Sayga iyo dhamaan bahda kale ee aan halkan lagu soo koobi karin waxa ay sidoo kale tacsi taa la mid ah gaarsiinayaan C/Qaadir M Faarax "Biriq" waxayna ilaahay uga barayayaan in uu hooyadiis janadii ka waraabiyo asagana samir iyo iimaan ka siiyo.

Tacsi U Dir

---------------------------------------------------------------------------------


Written By: Mohamud
Date Posted: 12/14/2006
Number of Views: 734

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use