shalay oo ahayd maalin jimca ah ayaa waxaa la ciyaaray semi finalka koobka lagu xusayey aasaasayaashii isboortiga jaaliyadda magaalada jidda ahaana guddoomiyihii hore ee kooxda Global jidda Saalim Gocoso, waxaana wada ciyaaray afarta kooxood ee Somalifruit v Kakane iyo Muqdisho v Jubba airways.
ciyaarta hore ee somali fruit iyo kakane oo ahayd ciyaar aad uxiiso badnayd ayey labada kooxood waxay soo bandhigeen ciyaar dadkii kasoo qayb galay ay aad ula dhaceen qaybtii hore ee ciyaarta ayaa waxay kusoo gebagebowday 0-0.
qaybtii labaad ee ciyaarta markii la isugu soo laabtay ayaa waxaa usuurto gashay kooxda somalifruit inay dhaliyaan goolkii ugu horeeyey ee ciyaarta taasoo uu u saxiixay ciyaaryahankooda lambarka 10 aad ee lagu magacaabo UUMAAW waxayna kusoo gebagebowday 1-0 oo ay ku badiyeen kooxda somalifruit.
ciyaarta labaad oo ahayd mid lama filaan ku noqotay taageeraayaasha kooxda jubba airways taasoo ah iyadoo kooxda muqdisho ay ahayd mid aan dhamayn ilaa qaybtii hore ee ciyaarta oo ay ku ciyaarayeen 9 ciyaartooy isla markaana ku hogaaminayey 1-0 oo aay muqdisho lahayd.
qaybtii 2aad ayaa waxaa soo galay ciyaartoydii muqdisho oo kaamil ah taasoo u suurto gelisay inay ku badiyaan 3-2 oo muqdisho guusha ku raacday.
ciyaarta kama danbeysta ah ayaa waxaa la ciyaari doonaa maalinta jimcaha ah haddii alle idmo.
munaasabadda koobka iyo ciyaartaas ayaa abaabulkeeda waxaa wada guddoomiyaha guddiga qabanqaabada ciyaaraha jaaliyadda jidda Maxamed Cismaan MOOSMAN.
MUUSE GOOSAAR - JEDDAH