|    Register
 
Wednesday, January 07, 2009
Article Details
FIFA oo dalka Kenya ka joojisey cayaaraha caalamiga ah

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa qoraal uu soo saaray shalay uga joojiyey xulka iyo kooxaha dalka Kenya ka qaybgalka cayaaraha caalamiga ah.

Ganaaxan oo maalmahanba dhegta loo taagayey ka dib markii ay degniino dhawr ah Fifa u dirtay xiriirka kubadda cagta ee dalka Kenya ayaa waxaa ay Fifa gaartay ka dib shir uu guddiga degdega ahi ku galay xarunta Fifa ayadoo qoraalkan lagu sheegay in Kenya ay xushmayn waaysay heshiiskii ay Fifa la galeen bishii Janaayo ee sanadkan loogana codsaday in ay hagaajiyaan xirirka iyo waliba xiriirka uu la leeyahay wasaaradda cayaaraha iyo hay'adaha kale ee ka shaqeeya kubadda cagta.

Guddiga degdega "Emergency Committee" ah ayaa tixraacay qodobo uu ka mid yahay ganaaxan oo ay soo jeediyeen guddiga xiriirada "Associations Committee" oo asagu arinkan ku guda jiray kalana xaajoonayey xiriirka kubadda cagta ee Kenya KFF.

Qoraalka Fifa ayaa lagu sheegay in ganaaxani uu saarnaan doono Kenya tan iyo inta ay ka fulinayso dhamaan qodobadii lagu heshiiyey bishii janaayo 2006.

Arintan ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii xiriirka kubadda cagta ee Kenya KFF uu sameeyey shirkad lagu magacaabo KFF PL oo ay kula dagaalamaysay shirkaddii ayadu horey u maamuli jirtay isku aadka horyaalka dalkaasi oo lagu magacaabo Kenya Premier League Limited "KPL" halkaasoo ay labadan shirkadood soo kala saareen laba isku aad oo ay ku tartamayaan kooxaha dalkaasi taasoo si aad ah uga sii caraysiisay Fifa oo ayadu rabtay in KPL maamusho horyaalkaasi. 

Dalka Kenya ayaa sidoo kale ganaax afar bilood ah la dul dhigay sanadkii 2004 tii ka dib markii wasaaradda cayaaruhu soo fara gelisay xiriirka kaasoo ka soo horjeeda sharciga Fifa.

Dhaqamada xiriirada qaaradda Afrika ayaa u muuqda kuwa aan wali la jaanqaadi karin kubadda cagta dunida ayagoo wali ku taamaya in ay awoodda iyo maamulka cayaaraha oo idil isku koobaan si uusan meeshaba u soo gelin xisaabtan dhaqaale iyo waliba mid shaqo ayadoo la wada ogsoon yahay in maanta Fifa iyo hay'adaha wax caawiyaaba ka dhergeen laalaabka iyo awood qaybsi la'aanta u horseeday kubadda cagta Afrika in ay kor u kici wayso.


Written By: Mohamud
Date Posted: 10/27/2006
Number of Views: 464

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use