Article Details

Cayaaraha Premier League ee toddobaadka soo aadan oo dib u dhac uu ku imaanayo

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 10/1/2017 | Views: 25
Maalmaha bilowga toddobaadka soo aadan ayaa la filayaa tiro kamid ah kulamada horyaalka Premier League in aan la cayaarin, cimilada oo liidata awgeed.

 

 

Kooxaha ku shaqada leh cimilada isbedelkeeda ayaa muujiyay in qeybo badan oo Ingiriiska kamid ah ay cimilada qabowgeedu hoos u dhaafi doonto xaraarad dhan -10 degree.


Ugu yaraan 33 qof ayaa u geeriyooday dabaylo qabow daran sita oo ku dhuftay qeybo Ingiriiska kamid ah, iyadoo dabayluhu ay saameeyeen dalal dhowr ah oo ay kamid yihiin Greece, Poland iyo Italy, heer kulka ayaana gaaray meelaha qaar -30 degrees.


Waqooyiga Ingiriiska, Scotland iyo Waqooyiga Wales ayaa la tuhunsan yahay inay adkaan doonto in la sameeyo dhaqdhaqaaqyo Isboorti iyo kuwo gaadiid, sida ay hordhac ahaan usii baaxiyeen quburo cimilada ku taqasusay.

Sunderland,Burnley,Leicester City iyo Hull City oo dhammaan guryahooda ku cayaari doona sabtida ayaa laga baqdin qabaa inay suurto gasho kulamada horyaalka ah ee kooxahaan ay jadwalka ku heystaan.

Axadda ayaa sidoo kale ay adkaan doontaa inay cayaaraan kooxaha Manchester United iyo Everton oo ka dhisan Waqooyiga Ingiriiska kuna balansan in ciiddooda ay ku cayaaraan Epl.

Waa macquul haddii kuleyliyaal dhulka hoose ka imaanaya garoomadaa lagu shido in lagu dheelo, cimilada oo xun ayaasa horseedi karta in taageerayaal badan aanay soo xaadiri karin, cayaartoyduna ka baqdaan inay qatar ku galaan qabowga daran, cayaarahaana la baajiyo.
Print Bookmark and Share

Return to previous page