Article Details

Shirwaynihii 7-aad ee Dooraashada GOS oo Muqdisho ka dhacay, Xilli lagu doortay Hogaanka afarta sano

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 10/1/2017 | Views: 176
Waxaa Hoteelka Shaamoow ee magaalada Muqdisho ka dhacay Shiweynihii 7-aad Doorashada ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed kasoo lagu dooranayay hogaanka

 

 

Ka hor doorashada waxaa Shirwaynaha lagu soo bandhigay waxqabadkii iyowarbixinta dhaqaalaha sanadki tagay ee 2016 ,miisaaniyadda & qorshahasanadka 2017 sidoo kale xiriirada ayaa dhankooda soo jeediyay waxbixinada waxqabadkooda sanadki tagay 2016, waxaa shiwaynaha lagu ansaxiyay waxkabadal lagu sameeyay qodobka 15.E ee dastuurka , waxuu sidoo kale ka doodeen isla markaana ansaxiyeen go'aanadi shirarkii Guddiga Fullinta lagu gaaray.

Xubnaha Shirweynaha ayaa ugu dambeyn cod gacan taag ah ugu codeeyay Cabdullaahi Axmed Tarabi inuu noqdo guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee afarta sano soosocota 2017-2020. Sidoo kale waxaa guddoomiya ku xigeenada loo doortay :- Axmed Cabdi Xasan (Wataac) 1-aad , Faadumo Cali Nuur : 2-aad iyo Ibraahin Abuukar Shaamoow 3-aad.Dhanka Kale Mohammad Abdo Hagi ayaa loo doortay Xoghayaha Guud ee GOS, halkaGuddoomiye Sharafeed uu noqday Cabdulqaadir Ibraahin Gacal Abkow.

Sidoo kale waxaa shirweynaha doorashada lagu doortay xubnaha Guddiga Fulinta GOS ,waxayna kala yihiin:- Ibraahim Xuseen Cali Roombo ,Maxamaed Xuurshe Xasan, Maxamed Axmed Coloow,Cabdiqani Saciid Carab ,Cabdullaahi Nuur Maxamed (Caddaani) , Khadiijo Aadan Daahir , Cabduqaadir Maxamed Baarajab , Cali Maxamed Xuseen ( Cali Baay) Cabdicasiis Godax Barre Xasan Wiish Yabaroow ,Abuukar Islow Xasan , Maxamed Daa'uud Maxamed , Dr:Cabdi Ibraahin Axmed( Jia) ,Prof: Yuusuf Calasoow , Maxamed Muuse Cabdi iyo LuulCabdi Dhagool.

Kadib doorashada waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha la doortay ee GOSMudane Cabdullaahi Axmed Tarabi waxuuna u mahad celiyay xubnaha shirwaynaha ee markale kalsoni ku siiyay inuu hogaamiyo guddiga Olombikada Soomaaliyeed afarta sano ee soo socota.

Guddoomiye Tarabi ayaa dhanka ayaa sheegay in ay afarta sano ee soo socota xoogga saari doonaan maamul wanaaga, sare qaadida aqoonta maamulada isboortiga, tayayna Xulalka qaran ee xiriirada dalkaasi ay ugu loolamaaan bilado iyo kaalmo hore, iyo in mudnaan gaar ay la siin doono iskuulada , Jamaacadaha, degmooyinka iyo gobolada dalka si horumar la taaban karo loo gaaro.

 

 

 

 

 

Waaxda Warfaafinta GOS

info@nocsom.com

 
Print Bookmark and Share

Return to previous page