Article Details

Wax ka ogow tadabaadkii tagay ee Horyaalka Soomaaliya+Sawiro. Qalinkii Aadan Gabyow

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 23/11/2016 | Views: 333

 Arbaco Muqdisho 

 

Arbaco-Muqdisho




Waa qormooyin koo kooban oo aan kaga hadleeno kulamadii dhacay todobaadkan

ELMAN VS HEEGAN

ELMAN

Kooxda Elman aya dhawaan loo dhiibay macallin u dhashay dalka Uganda macallinkaa ayaa lagu magacaabaa Reberto , Roberto ayaa isbadal xoogan ku sameeyay kooxda ,Cayaartii ugu horeysay oo ay kaga hortagaan dhigooda Heegan , macallin Roberto ayaa garoonka lasoo galay shax ah 4-5-1 taas oo usuurto galisay in ay u diidaan ciyaartoyda kooxda Heegan in ay kubada isku dhiibtaan ,

Heegan

Sidoo kale kooxda Heegan ayaa loo magacaabay in uu hogaamiyo macallin Felix Nwose oo u dhashay dalka Nigeria. Heegan ayaa garoonka qeebta hore lasoo gashay shax daafac ah taasi oo ah 5-4-1. Macallinka Heegan ayaa badal ku sameeyay Mahad Mecon Haafka danbe ee ciyaarta, asagoo lasoo galay shax ciyaareed lamid ah mida ay ciyaareysay kooxda Elman,sidoo kale badalo kale uu oo sameyay ayaan waxba ka badalin 90 daqiiqo ee cayaarta,

Cayaartan ayaa kusoo dhamaatay Elman 2-0 Heegan

Kabtanka kooxda Elman Babaay oo cayaarta marka ay soo idlaatay saxafada la hadlayay ayaa ka dhawa jiyay in ay soo labatay kooxda Elman oo waayadan kamid aheyd kooxaha iska meel dhaxaadka ah.

 


 

JEENYO VS GAADIIDKA

Gaadiidka

Kooxda gaadiidka oo uu hogaaminaayo macalllinka u dhashay dalka Kenya Edwardo Karanji ayaa lasoo gashay garoonka shax ciyaareed ah 4-3-3, ciyaartoyda Gaadiidka oo dar dar xoogbadan kusoo galay garoonka ayaa waxaa suurto gashay in ay laba gool kaga hormaraan kooxda Jeenyo, ayagoo soo bandhigay qeebta hore ee cayaarta kubad aad u qal qal galisay ciyaartoyda Jeenyo iyo taageera yaashooda.

Jeenyo

Jeenya iyo hagaamiyahooda Salaad ayaa kusoo galay garoonka shax lamida mida gaadiidka taasi oo ah 4-3-3, ciyaartoyda Jeenyo oo uu kamaqnaa Captan kooxda cusub Maxamud (Meyma) ayaa qeebta hore cayaarta isla qaadi waayay jaanta oo kubada waxaa inta badan ka heystay dhigooda gaadiidka. Qeebta danbe ee ciyaarta weerar yahanka waayo araga ah Maxamed {sharkey} ayaa u dhaliyaya gool madax ah, goolka bar baraha ayaa waxaa u dhaliayay Daa’uud {Tubaal}

Kulankaan ayaa kusoo gaba gaboobay Gaadiidka 2-2 Jeenyo

Axamed Tahliil captankii hore ee Jeenyo oo saxafada lahadlay ayaa kutil maamay goolka uu si kama isaga dhaliyay in ay tahay fursad u fureysa in uu goolal ka dhaliyo kooxaha ka hor imaanayo kulamada xigo

 

Banaadir S.C vs Muqdisho United

Banaadir S.C

Kooxdan ayaa daafaca neyso horyaalkakan , Banaadir oo aan marna dhinaceeda dhulka la dhigin Horyaalki hore ayaa sanadaan ku furatay guul, macallinka kooxda ayaa garoonka kusoo galay shax ah 4-1-4-1, macallin Hussein Mbalango oo lagu tiriyo macallinka ugu khibrada badan macallimiinta ajaanibta ah ayaa waxaa sanadaan shax ciyaareedkiisa kasoo muuqanayo ciyaartoy aad u da’yar kuwaas oo uu kasoo xushay koobki maamul goboleed yada asagoo sidoo kale kasoo qataay ciyaartoy kooxaha Heerka labaaad ee soomaliya

Muqdisho United

Kooxdan ayaa ku cusub horyaalka ayadoo sanadii hore kasoo dalacday horyaalka Heerka labaad, Muqdisho untd ayaa waxaa hogaaminaayo macallin Bootan oo ah macallinka ugu da’da yar 10 ka macallin ee hogaaminayo kooxaha Heerka koobad ee horyaalka Soomaaliya. Kooxdan ayaa kusoo gashay garoonka shax cayaared 4-2-3-1,Bootan iyo kooxdiisa ayaa soo bandhigeen cayaar wacan

Cayaarta ayaa kusoo dhamaatay Banaadir S.C 3-1 Muqdisho United

Captan Daardir Amiin hogaamiyaha kooxda Banaadir S.C ayaa cayaarta markey soo dhamaatay shegay in ay daafacan doonnaan Horyaalka.

Dekedda vs Bariga-Dhexe

Dekedda

Kooxda Dekedda ayaa sanadan lasoo wareegtay ciyaartoy sidoo kale waxaa macallin loogu magacaabay Yuusuf Cali {yuu cali} oo horey usoo leyliyay xulka qaranka Soomaaliya iyo kooxda Elman. Macallin Yuu Cali ayaa kusoo galay garoonka shax ah 4-2-3-1, Dekada oo u baxeysay mid kamida kooxaha ugu yar ee Horyaalka ayaan soo bandhigin kubadii laga filaayay ayadoo guul lagu tilmaamay mid dirqi ah kagaartay dhigeeda Bariga-Dhaxe

Bariga-Dhexe

Kooxdan ayaa ah kooxdi kusoo guuleesatay horyaalka heerka labaad xilli ciyaaredkii hore, macallin Maxamed maye ayaa wata koox isku cel celis ahaan 21 jiro ah, maclinka ayaa kusoo galay shax cayaared 4-4-2 ah, Bariga-Dhexe ayaa ka maqnaa weerar yahan kooda gool magafaha ah ee Buush

Cayaarta ayaa kusoo ku dhamaatay Dekedda 2-1 Bariga-Dhexe

 

Horseed vs Waxool

Horseed

Horseed oo hogaaminaayo macallin Cumar Caruus oo ah maclinkii hore ee kooxda Waxool EX Sanjed ayaa garoonka lasoo galay shax ciyaareed 4-1-4-1, xidigaha kooxda Horseed ayaa soo bandhigay kubad awood kusaleysan, ayadoo loo arkaayay jir ahaan in ay ka diyaar sanaayeen kooxdi kasoo horjeeday,

Waxool

Kooxda Waxool ayaa dhawaan loomagacaabay in uu hogaamiyo macallin Cali buu, maclin Cali ayaa garoonka lasoo galay shax cayaareed ah 4-5-1, xidigaha da’da yare e kooxda ayaa soo bandhigay kubad isku dhiib dhiibkedu uu aad usareeyo , dhanka kale waxaa ka dhashay laba gool kuwaaasi oo is faham waa daafaca xagiisa ah ka yimid.

 

Cayaarta waxa ay kusoo gaba gabowday Horseed 2-1 Waxool.

Macalin Cumar Caruus oo saxaafadda lahad laayay ayaa sheegay in uu Horyaalkan ku qaadi doonno asaga oo aan laga guuleesan {unbeaten}

 

Shaxdii ugu fiicneyd todobaadkan ayaa ah 4-2-3-1

Macalinka Roberto = Elman

Gool haye

No1} luyim sulati -Elman

Daafaca

No 2} Babaay - Elman

N03} Hargaandi -Banaadir s.c

NO4} Shiine Afgooye –Elman

No5} Roberto Onyanga –Dekada

Qadka dhexe

No6} Daa’uud

No8} Maxwell Banaadir S.C

Qadka dhexe weerar

On7} Olivier –Gaadiidka

No8} shakuur aalla Elman

No9} Gurxan - Waxool

Weerar

No10} Cali aawow - Muqdisho United.

 Marki ugu horeysay taariikhda Taariikdha  garsoorada kubadda Cagta Soomaaliya ayaa isticmaalay Aalada isaarsiinta garsootrka ku xiriiro taasoo kulanki ugu horeeyay mira dhal sameysay.

Goolki Koowaad Horyaalka waxaa dhaliyay   Xiddiga no-15 ee Elman  Shiine Afgooye waxuuna ka dhaliyay Heegan.

 Kabtanka Heegan Jabriil Xasan fariid ayaa noqday laacibkii ugu horeeyay ee kaaska casaanka ka qaata Horyaalka  kulanki ay kooxdiisa ka hortagtay Elman.

 

20 Nov  Garsoore Bashiir Colaad ayaa noqday  garsoorihii ugu horeeyay ee bixiya laba kaar oo Casaan ah kulanki  Gaadiidka iyo Jeenyo, waxaana kala qaatay  Shaafici Cali Xasan oo Jeenyo u sita No-11 iyo Ibraahim  Cabdi Maxamed oo No-6. u qaata  Gaadiidka.

 

 2-1 Kulanki Dekedda iyo Bariga Dhexe ayaa noqday kulanki calaamadihi ugu badnaa ee kaarka Hurdiag la bixiyay waxaana garsoore Axmed Cabdullaahi Faarax Baroodo oo ciyaarta dhex dhexaadinayay uu bixiyay 7 kaar, 4  Bariga Dhexe 3 Dekedda.

Xasan Cabdullahi Shiikh oo No-10 uqaata Bariga Dhexe ayaa  dhaliyay gool kulankiisi ugu horeeyay ee horyaalka  heerka koowaad kulan ciyaareedki ay kooxdiisa Dekedda 2-1 kaga  adkaatay, sidoo kale waxuu goolkiisi ugu horeeyay ka dhaliyay   hoyaalka Heerka labaad isagoo u safanayay  kooxda FC Banaadir.

 Kooxda Heegan ayaa guuldaro lakulantay  sanadki labaad oo xiriir ah oo lagu daah furay Horyaalka, waxaana sanadki hore 1-0 kaga   adkaatay kooxda Heegan , halka sanadkan ay Elman ku dubatay 2-0.

 

Siyaad Cali Xuseen oo ahaa garsooraha Afraad kulanki furitaanka  horyaalka ayaa nasiib u yeeshay inuu sanadki labaad oo xiriir ah  furitanka horyaalka, sidoo kale waaa garsooraha kaliya ee laba kulan kasoo muuqday todobaadkan.

Garsoore Cumar Cabduqqadir Cartan kulankiisi ugu horeeyay horyaalka Soomaaliya dhex dhexaadiyay., isagoo garwade ka ahaa kulanki sadexaad  ee horyaalka kasoo dhex maray kooxaha Banaadir SC iyo Muqdisho United.

 Marki ugu horeysay  Taariikhda kubada Cagta  Soomaaliya kulan Furitaan ah waxaa  lagu daah furan laba koox oo ay hogaaminayaan  Macalimiin Ajaanib ah  Felex Heegan iyo Robert Elman.

 


W/D Aadan Axmed sheikh {Gabyow}
gabyow114@gmail.com
 
Print Bookmark and Share

Return to previous page