Article Details

Jeenyo FC iyo Banadir FC mar kale kulmi doona Jimcaha.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 6/11/2016 | Views: 503

Kooxaha Jeenyo FC iyo Banadir FC oo ka wada tirsan kooxaha heerka koowaad ee dalkeena isla markaana kala haysta koobabka Horyaalka iyo Jeneral Daa’uud ayaa maalinimada Jimcaha ee foodda inagu soo haysa ku kulmi doona kulanka koobka sare (Super Cup 2016) sida uu xaqiijiyey XSKC.

Kulankan oo la filayey in uu dhaco bilowga usbuucan ayaa hadda loo qorsheeyey in ay labadan kooxood ee ka wada dhisan xaafadda Wardhiigleey ee magaalada Mogadishu isla markaana leh taageerayaasha ugu badan kooxaha dalka in ay duhurnimada (2:30) foodda isku daraan garoonka Banadir ee magaalada Mogadishu.

Jeenyo ayaa rigoorayaal uga adkaatay kooxda Banadir kulankii ugu dambeeyey ee koobka Jeneral Daa’uud guuldaradaas iyo waliba xifaltan badan oo ka dhexeeya taageerayaasha labadan kooxood ee deriska ah ayaa xiiso ka badan kuwii hore u sii yeelaya kulankan oo la filayo in ay u soo daawasho tagaan taageerayaal ka badan kuwii daawaday kulankii hore.

Labadan kooxood ayaa dhinaca kale ka kasbaday taageerayaal aad u fara badan jaaliyadaha Soomaaliyeed eek u dhaqan dibadda kuwaasi oo tiro badan oo ka mid ahi ay kulankii ugu dambeeyey kala socdeen baraha bulshada oo ay si toos ah uga tabinayeen idaacadaha ama tv yada ka hawlgala magaalada Mogadishu waxaana ay taageerayaashani ayaguna sii kordhin doonaan xiisaha shacabka Soomaaliyeed u qabaan cayaaraha dalka. 

Print Bookmark and Share

Return to previous page